Dhageyso:-Maamulka Puntland Oo Hor Yimid Dalabkii Madaxweyne Farmaajo

0
Sunday July 21, 2019 - 10:17:11 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Maamulka Puntland Oo Hor Yimid Dalabkii Madaxweyne Farmaajo

    Kadib markii shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dalbaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sii deynta xubno ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso oo Puntland u xiran,hayeesh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii shalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dalbaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni sii deynta xubno ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso oo Puntland u xiran,hayeeshee arrintaasi ayaa waxaa ka Jawaab ka bixiyay maamulka Puntand. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Ow Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dadka la xiray ay yihiin kuwa ku xadgudbay sharciga,isagoo xusay in aan loo baahneyn in cid kasto ay ka hadasho xariga dad la soo eedeeyay.

Maxamuud Xasan Ow ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka ku xadgudbay sharciga Puntland ee ku kala xiran Bossaso iyo Garoowe aysan jirin cid sii deyn karta ha’ahaato Madaxweyne Farnaajo, Madaxweyne Saciid Deni ama Ra’iisul Wasaare.

Isaga oo sii hadlaaayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland ayuu sheegay in ineysan jirin cid sharciga ka sareysa,isla markaana xubnaha ka tirsan ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso Maxkamad la soo taagi doono.



Hadalkan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Ow Cusmaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo shalay Madaxweyne Farmaajo uu la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoo ka dalbaday in si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo xubnahaas .

Audio Player
 
XIGASHO:-RADIODALSAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip