HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA LUULYO 2019-KA

0
Sunday July 21, 2019 - 09:51:40 in Wararka by
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 21-KA LUULYO 2019-KA

    SHIRKADDA DIYAARADAHA INGIRIISKA OO JOOJISAY DUULIMAADYADII AY KU TAGI JIRTAY QAAHIRA.Shirkadda Duulimaadka Ingiriiska ee British Airways ayaa joojisay duulimaadyadeedii ay ku tagi jirtay magaa ladda Qaahira ee Caasimadda Masar muddo Todobaad ah, arr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHIRKADDA DIYAARADAHA INGIRIISKA OO JOOJISAY DUULIMAADYADII AY KU TAGI JIRTAY QAAHIRA.Shirkadda Duulimaadka Ingiriiska ee British Airways ayaa joojisay duulimaadyadeedii ay ku tagi jirtay magaa ladda Qaahira ee Caasimadda Masar muddo Todobaad ah, arrimo amni awgood. Rakaabkii Diyaaradda ee ka bixi lahaa Magaaladda London ayaa loo sheegay in duuli maadyadii Qaahira la joojiyay islamarkaana aysan jirin wax lagu badalayo muddo hal isbuuc ah.


diyaaradaha-Uk

Shirkadda duulimaadka ma aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku aadan waxa ay tahay arrinta amniga ee duuli madyadda loo baajiyay.

Afhayeen u hadlay Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Qaahira ayaa BBCda u sheegay in weli aysan British Airways ku war gelin wax isbadal ah.

Afhayeenka British Airways ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay in ay hadda dib u eegis ku sameynayaan amniga dhamaan garoonadda dunida islamarkaana ay joojiyeen duulimaadyadii Qaahira Todobo cishe si ay u sameeyaan qiimeyn dheeri ah.

Sidoo kale Sabtigii Diyaarad laga leeyahay Jarmalka ayaa joojisay Duulimaadyadeedii Qaahira.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO PUNTLAND KALA HADLAY SII DEYNTA XUBNO U XIRAN MAAMULKAAS

farmajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo la xiri iray Madaxweyna ha Dowlad Gobo leedka Puntland Md.Saciid C/hi De ni ayaa adkeeyay muhiimadda ay le edahay wadashaqeynta Xukuum adda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiq ay in XFS ay si siman dalka u gaarsiinay so dhammaan mashaariicda horumarine ed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha he er Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aas aasiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in DFS ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirs an Guddiga Dhismaha Waddada M/Boos aaso ee la xiray khamiistii, isagoona u she egay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in odayaashaas si shuruud la’ aan ah xorriyaddooda dib loogu soo cel iyo.

Madaxweynaha ayaa xoojiyey in Dowla dda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Fede raalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

IIRAAN OO SHAACISAY IN MARKABKA BOOY ADLAHA UK UU SHIL LA GALAY DOON KALLUMEYSI

Madaxa Dekeddaha iyo Baddaha ee Gobalka Hormozgan oo lagu magacaabo Allahmuraad Afifibuur oo la hadlay Wakaal ladda Wararka Fars News Agency waxa uu Shalay sheegay in Markabka Booyad laha ee Calanka UK watay ee lagu magac aabo Stena Imperooo shil la galay Dooni Kalluumeysi oo Iiraan leedahay, isla mark aana ay Badmaaxiinta Markabka ogeysiis la’ aan dirsadeen Qeylodhaan.

Waxa uu intaaasi ku daray in 23ka shaqaalaha la socday Mrakabka Britain ay haatan ku sugan yihiin Dekedda Bandar Cabaas, isla markaana sii joogi doonaan ilaa laga dhamasytirayo Baaritaanka.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in Ba dmaaxiinta la socota Markabka ay qabte en kala yihiin 18 u dhalatay dalka Hinddi ya, 5 ka soo kala jeeda dalalka Raashiya, Filibiin, Lithweeniya iyo kuwo kale.

Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan ayaa la sheegay inay Markabka UK ee la gu magacaabo Stena Impera Habeen hore u gelbi yeen Markabka Britain Deke dda Bandar Cabaas, iyadoo baaritaanka shilka uu Markabka la galay Doonida Kalluumeysiga uu Shalay bilaaban doono. Dowladda Bri tain waxay mar sii horreysay sheegtay in ay si degdeg ah u doonayaan Warbixinta Markabkooda, kaasi oo markii la qbaana yey ku sii jeeday Deked ku taalla dalka Sacuudiga.

Markabkaasi ayaa waxa uu si kedis ah u bedelay Jihadii uu ku socday, markii uu ka gudbay meesha laga galo Gacan biyood ka Gacanka Carbeed.

Horey ayaa waxa u cakirnaa Xiriirka Do wladda Iiraan iyo kuwa Reer Galbeedka, waxayna xiisadda sii kacday, markii ay Ci iddanka Badda ee Britain ay bishan July 4dii gacanta ku dhigeen Markab Booya dle lagu magacaabo Grace 1 oo ay Iiraan leedahay, kaasi oo lagu tuhunsan yahay in uu shixnad shidaal u waday dalka Syria.

Dowladaha Midowga Europe ee EUda waxay sannaadkii 2011kii cunaqaba tayn ku soo rogeen Dowladda Syria oo ay ku eedeeyeen inay Tacadiyo u geystaan dadka rayidka ee ku nool dalkaasi.

Dhinaca kale, Dowladda Britain waxay kula talisay inay dhammaan Maraakiibtoo da ka fogaadaan Gacanka Hormuz si xilli Kumeelgaar ah. Digniinta waxaa lagu sheegay inay jirto ciqaab adag, haddii aan xaalladda la xalin.

CIIDAMO DHAMAYSTAY HAWLGALKII AY SOMALIA U JOOGEEN OO LA ABAALMARIYEY

ciwaan Wakiilka Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Amb assador Franci sco Madeira waxa uu Abaal marin Bilado ah guddoonsi iyey Ciiddan u dhashay Uganda, kuwaasi oo dhamaystay hawlgal ay muddo 12 bilood ah u joogeen dalka Somalia.

Ciiddankaasi oo ka tirsan Kooxda Daga alka ee 25 (Battle Group 25) waxay ka hawlgaleen Degmooyinka Marka, Qoryoo leey iyo deegaanadda Ceeljaale, Buufow, Shalambood iyo Mashalaay iyodeegaano kale oo ka tirsan MaamulGobaleedka K/Galbeed Somalia.

Ambassador Madeira oo ka hadlay Mu naasabadda uu Billadaha ku guddoonsii nayey ciiddankaasi waxa u usheegay inay maareeyeen xaqiijinta Barnaamijka Haw lgalka AMISOM muddadii 12kii bilood ee la soo dhaafay ee ay Ciiddankaasi ku gu dajireen Hawlgalkaasi

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddan kaasi tageen Fariisim adda Hore ee Hawlg alka, si ay u soo celiyaan Deganaanshaha dadka ku nool Qeybta 1aad ee Hawlg alka AMISOM.

"AMISOM uma joogaan Somaliya ujee ddo kale oo aan ka ahayn inay taageeeo ka geystaan sidii Alshabaab looga saari la haa Deegaannada ay joogaan” ayuu hadalka u yiri Ergayga AUda ee Somalia.

Dhinaca kale, Ambassador Francisco Madeira waxa kale oo uu Ciiddanka Ugan da ee dhamaystay Hawlgalkii ay u joog een Somaliya ku bogaadiyey inay taageer aan sidii ay ugu dhiirigeliyeen Dibuhe shiisiinta Mujtamaca ku nool Deegaanada ay ka hawlgalaan iyo inay gacan ka geyst een sidii loo soo celin lahaa Kanaaladda ay ka baxaan Daadadka ee ku yaalla M/Marka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Kuxigeenka Taliyaha AMISOM ee dhi nacyadda Hwalgallada iyo Qorshaha, Jen eral James Lakara oo isagana ka hadlay Munaasabadda Abaalmarinta waxa uu Cii danka Uganda ee ka tirsan Kooxda Daga alka ee 25 ku bogaadiyey sida ay u taage ereen, uguna gudbiyeen Khibradooda Cii ddanka DFS ee SNA ee ka hawlgala G/ Sh/hoose.

Taliyaha ciiddanka Uganda ee dham asytay Hawlgalkii ay u joogeen Somaliya, Kolonel Paul Muhanguzi waxa uu Hogg aanka AMISOM uga mahad celiyeen taa geeradda iyo hagida ay u fududeeyeen muddaii ay ku jireen Hawlgalkooda.

TALIYAHA QEYBTA 21AAD EE CXDS OO BOOQDAY CIIDAMO LOO DIYAARIYAY TABABAR

Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xo oga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaanti ayaa Dul eedka Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud ku Booqdey qaybo ka mid Ci idamada Cusub ee Dhawaan Balambal la ga Diiwaan galiyey,kuwaasi oo Dowladu u Diyaarineyso in la geeyo Dugsiga Tababar ka Ciidamada ee Harqaboobe oo Dhawa an Tababar sare looga furayo.

Gen. Kaanti Taliyaha Qaybta ayaa Cii damadan u sheegey in laga Doonayo in ay Diyaar u Noqdaan Safarka iyo Tababar ka,isla markaana waxaa uu tilmaamay in Dowlada ay Diyaarisey gaadiidkii geyn lah aa Xeryaha Ujeedkuna yahay in la helo Cii dan Galmudug iyo Guud ahaanba Dalka ka saara Alshabaab.

Dhawaan ayay markii Ciidamadii kala duwaan ee Laga Qoray Guud ahaanba Da gmooyinka Galmudug tababar ku Qaadan doonaan Xerada Harqaboobe.

AXMED MADOOBE OO QAATAY WARQADA IS DIIWAAN GALINTA MUSHARAXNIMADA

Madoobe Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Md.Axmed Maxamed Islaam ayaa Shalay qaatay warqada is diiwaan galinta Musharaxnimada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Md.Axmed Madoobe ayaa intaas ka dib Saxaafada kula hadlay banaanka Xar unta gudiga madaxa bannaan ee Xuduuda ha iyo Doorashooyinka isagoo sheegay in uu maray hannaanka sharciga ah ee lo oga baahan yahay in ay maraan dadka u tartamaya xilka madaxweynaha.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ugu baaqay musharraxiinta kale inay waddad aas maraan oo aanay bulshada ku abuur in hadallo nacayb iyo fowdo abuuraya taas oo aan waxba u soo kordhin doonin.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in awood dastuuri ah uu u leeyahay magaca abista gudiga doorashooyinka iyo xuduu daha balse isaga iyo musharraxiinta kale ay u siman yihiin loona baahan yahay in loo hogaansamo waxaa uu intaas ku dar ay in dhammaan xuquuqaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha aanay gorgortan ga laynin sida ilaalinta nabadgalyada iyo xas iloonida guud. Qaar ka mid ah musharraxi inta ka soo qaybqaatay halgankii Jubbal and loo soo maray ayuu ku booriyay in ay dib u eegan halka laga yimid iyo dhibkii loo soomaray dhismaha Jubbaland isla markana aanay u durbaan tumin shaqsiy aad kor ka yimid oo aan ka warqabin duru ufaha dadka ree Jubbaland.

Shacabka ree Jubbaland ayuu Madax weynahu ku adkeeyay inay nabadgalyado oda ilaashadan oo doorashooyinkooda ay qabsadaan isla markana aanay dib ugu noqon wixii lasoo maray.

CIIDAMADA DOWLADDA IYO ALSHABAAB OO KU DAGAALAMAY GOBOLKA BAAY

Ciidamada xoogga dalka ayaa how lgallo xooggan oo ka dhan ah AlShabaab ka fuliyay deeaanka Owdiinle ee Gobolka Baay. Howlgalkaan ayaa waxaa la sheeg ay in lagu dilay 3 ka tirsan AlShabaab, wa xaana sidoo kale lagu qabtay Ruux ka tirs an Alshabaab, sida uu xaqiijiay Guddoom iya deegaanka Owdiinle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Maamulka Owdiinle ayaa sheegay in ho wlgalkaan uu ka danbeeyay k dib markii cii danka qalabka sida ay weerareen goob Alshabaab ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciid anka xoogga haatan ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay howlgalka sida dad kadeegaanka ay sheegayaan. Mudooyin kii ugu dambeeyay ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa waday howlgall ada ka dhanka ah AlShabaab,kuwaasi oo ka socda qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

FAAH FAAHIN:QARAX KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax Miino oo Shalay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,kaasi oo geystay Khasaaro.

Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Qaarka mid ah warbaahinta ayaa u shee gay qaraxa uu ahaa miino dhul ka lagu aa say,isla markaana lala eegtay Ga ari Qoo qan ah oo marayay Waddada War shada ha ee Magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 2 Ruux oo la socday Mo oto Bajaaj oo xiliga falka ka dhacayay marayay laamiga ayaa ku dhaaw acmay Qara xaas,waxaana la tilmaamay in gaariga qaraxa lala eegtay uu badbaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa tegay halka qaraxu ka dhacay,iyadoona xiray aaggaas,hayeeshee mar kii ay baari taanno kooban sameeyeen dib u furay si da ay sheegeen dad halkaasi Ganacsi ku leh. Ilaa iyo hada la ma oga cidda wadatay gaariga ka badbaaday qaraxasi ka dhacay Waddada Warshadaha ee M/Muqdisho,isla marka ana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay DFS

XILDHIBAANADA KA SOO JEEDA SOMALILAND OO KA HADLAY MARKABKII LAGU XANIBAY JIDDA

Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Soomaaliland ayaa ka hadlay Markab labaatan kun oo Ari ah siday oo dekadda Magaalada Berbera ka shiraacday,kaasi oo dhawaan lagu xanibay Dekadda Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Xildhibaanadan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdishoayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eed eeyay in Cunaqabateyn ay ku heyso Shacabka Soomaaliland,isla markaana si kulul u Cambaareeyay Heshiiska ay sheegeen in dowladda la gashay dowladda Sacuudiga.

xildhibaanadaSidoo kale Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in tan iyo markii tala dalka uu qabtay Madaxweyne Farmaajo uu culeys gaarka saarnaa Somaliland iyo Ganac satada Gobolada Waqooyi.

Isaga oo sii hadlayay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaanada Somaliland laga joojiyay Hay’addihii gargaarka gaarsiin jiray.

Ugu dambeyntii Xildhibaanadii Shirka Jaraa’id ku qabtay Magaal ada Muqdisho ayaa beeniyay Warkii ka soo jeeray Ra’iisul Was aare Kuxigeenka dalka ee ahaa in dowladda federaalka Soomaa liya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay sidii loo sii daan lahaa Markab labaatan kun oo Ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday,kaasi oo ku xayirnaa Magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

XILDHIBAANO KASOO HORJEESTAY DF OO LA SAFTAY SOMALILAND

Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee ku jira labada aqal ee baarl amaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjee stay dowladda federaalka, iyaga oo teeg eero u muujiyey maamulka Somaliland.

Xildhibaanadan oo ku shiray magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyey dowladda So omaaliya in ay cunaqabateyn saartay Som aliland.

Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah xildhibaanadaasi ayaa ka hadlay Markab Xo olo siday oo ka shiraacday Dekedda magaalada Berbera, kaas oo dhawaan dowladda Sucuudi Cara biya ku xayirtay magaalada Jiddah.

Wuxuu sheegay in Markabkaas aan lagu sii daayin amar ka soo baxay dowladda Federaalka ah, balse dowladdu ay tahay waxa cunaqabateynta saaray Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Xildhibaanada ka soo je eda deegaanada Somaliland ayaa ka hory imid guddiga uu dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Max amed (Farma ajo) u magacaabay wadahadallada Soo maaliya iyo Somaliland.

Xildhibaanada ayaa tilmaamay in aan lagala tashan ku dhawaaqista guddigaasi, madaama ay iyagu matalaan shacabka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddo oyinkii dambe ay sii xoogeysaneyso xiis ada siyaasadeed ee uu dhexeysa Sooma aliya iyo Somaliland, taas oo ka sii dartay markii dowladda federaalka ay gabi aha an xiriirkii u jartay dalka Guinea.

MUSTAFA CAGJAR OO KA QEYB GELI DOONA CALEEMASAARKA DHIGIISA CUSUB EE ISMAAMULKA AMXAARADDA

Cumar-750x430W afdi heer sare ah oo uu hoggaami nayo Madaxweyne Must afa Maxamed Cu mar "Ca gjar” ayaa waxay gaare en caasim adda Maamulgobaleedka Amxaaradda ee Baxar Daar ee W/Galbeed ee dalkaasi.

Wakalladda Wararka Amxaaradda ee Amhara Mass Mediia Agency ayaa sheeg tay in Wafdiga la socda Madaxweyne Cagjar si diirran ay u soo dhaweeyeen Sarka aiil sarsare oo ka tirsan Dowladgobaleed ka Amxaaradda iyo xubno ka tirsan Bul shadda.

Wakaalladda ayaa sheegtay inay Md. Mustafa la socdaan in ka badan 100 xub nood oo ay ka mid yihiin Odayaal, Hogga amiye Diimeedyo iyo kuwa Dhaqanka iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaalida Ethiopia.

Madaxweynaha Dowladgobaleedka Soo maalida Ethiopia waxaa la filayaa inuu ka qeybgalo Munaasbad lagu caleema saara yo Madaxweynaha Cusub ee Ismaamulka Axmxaaradda, Temesgen Tiruneh, kaasi oo bedelay Madaxweynihii hore Maamulka Amxaaradda, Ambachew Mekonnen, oo lagu dilay Afgembigii Fashilamay ee bishii la soo dhaafay ee June 23dii ka dhacay Magaalada Baxar Daar.

Madaxweynaha cusub ee Amxaaradda ee la caleemasaaraya waxa uu haatan ha ya xilka Lataliyaha Ammaanka Qaranka ee Ra’isulwasaare Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Ismaamu lka Soomaalida Ethiopia waxa uu ka qeyb geli doonaa Munaasabad ay ku qalin jebi nayaan Arday ka aflaxday Jaamacadda Bahir Dar University.

ODAYASHA CADAADO OO CADDEYEYMO WQIFKODA GUDIGA AY MAGACOWDAY DF

Odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa ka soo horjeestay guddigii dib u heshiis iin ta Galmudug ee uu dhawaan ku dhawa aq ay wasiirka arrimaha gudaha, federaal ka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda fed eraa lka Soomaaliya Md. Cabdi Maxamed Sabr iye.

Odayaasha beesha Saleebaan oo ma anta shir ku yeeshay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaudud ayaa gabi ahaan qaadacay ku dhawaaqista guddigaasi

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan maraba ogolaan doonin in gogosha shirka la dhigo magaalada Dhuusamareeb ee xar unta dowlad goboleedka Galmudug.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa ay Odayaashu ka soo saareen qodobo ay ku cambaareynayaan xukuumadda Soo maaliya. Waxgaradkani ayaa ku eedeeyey Ra’I isul wasaare Xasan Cali Khayre inuu uga baxay ballan hore, islamarkaana ay san la dhacsaneyn, sida uu wax ku wado.

Guddiga dib u heshiisiinta Galmdudug oo gaaraya 12 xubnood ayaa waxa ay u badan yihiin xubno ka shaqeeya xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya, waxaana gudd oomiye u ah Cabdiraxmaan Cabdulaahi Macalin Baadiyow oo ah LaTaliyaha sare R/ wasaaraha ee arrimaha nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta. Xaaladda Galmudug ay aa weli cakiran, iyadoo muddo dheer R/wa saare Kha yre uu ku sugan M/Dhuusamar eeb, kaas oo xal waara u raadinaya maa mulkaasi.

DAILY NATION OO QORAY INTA AY LA EG TAH AY RAJADA KENYA EE KIISKA BADDA SOOMAALIYA

Wargeyska ugu afka dheer Kenya ee Daily Nation ayaa faallo uu qoray kaga hadlay heerka ay la eg tahay rajada Ke nya ay ka qabto inay ku guuleysato kiiska maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee ku saabsan badda Soomaaliya.

Faallada ayaa lagu sheegay in Kenya rajadeeda ay aad u liidato sababtuna ay ta hay in dhammaan xeerarka caalamiga ah iyo kiisaskii hore ee noocan oo kale ah ay muujinayaan in Soomaaliya ay ku taagan tahay waddada saxda ah, waxaana Warge yska uu yiri "Kenya aad ayey u nasiib ba dnaan dontaa haddii ay kiiskan ku guuley sato”.

Marka ay la go’aaminayo muran xud uud badeedka ee dalalka u dhaxeeya, wa xaa la eegaa laba xeer oo kala ah, The Eq uidistance Principle and Equitable Princi ples [Mabda’a Masaafada Isku midka ah iyo Mabda’a Dhexdhexaadka].

Midka Equidistance ama Masaafada Isku Midka ah, wuxuu leeyahay "xuduudda badeed ee laba dal waa inay waafqadaa xariiqda labada dal u dhaxeysa ee dhin aca dhulka islamarkaana masaafo isku mid ah u jirta labad dhinac ee labada xeeb.”

Mabda’aan koowaad waa kan uu taage erayo Xeerka QM ee Badaha ee 1973. Markii la ansixinayey waxaa aqbal dham maan dalalka caalamka marka laga reebo Kenya iyo toddoba kale oo kasoo horjees tay.

Kenya ayaa doorbidaysa kan labaad Equitable Principle [Mabda’ Dhexdhex aadka]. Xeerakna ayaa la adeegsadaa marka la rumeysan yahay in midka koow aad inkasta oo uu sax yahay haddana uu aad u xanuun badan yahay islamarkaana uusan ixsaan u sameeneyn dhinaca laga gar leeyahay.

Haddii aan si kale u niraahno waa waxa aan Soomaaliga ku dhaho "xeer jajab”. Si fudud, Kenya waxay dooneysaa in la yir aahdo waa lagaa gar leeyahay balse wax un ayaan kuu ogolaaneynaa. Sababta Ke nya u diidan tahay The Equ idistance Pri nciple ama xeerka masaafad isku midka ayaa ah inay rumeysan tahay in dhul bad eedkeeda markii horeba uu yaraa, halka Soomaaliya ay haysato xe ebta labaad ee ugu dheer Afrika, sidaas darteedna uu xeerkan aad u ciqaabayo ayada.

Nasiibdarro, maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ayaa inta badan wax ku go’aam isa xeerka Kenya kasoo horjeedo, waa na taas sababta ay Kenya dagaal xoogg an ugu jiro in kiiskan lagu dhameeyo meel ka baxsan maxkamadda.

10kii Octo ber 2002, maxkamadda caa lamiga ah ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay muran u dhaxeeyey Cameroon iyo Nige ria, oo ku saabsanaa cidda leh Jasiirad uyaalka Bakassi. Maxkamadda ayaa garta siisay Cameroon ayada oo adeegsaneysa Xeerka Masaafada Isku midka ah.

Kenya waxaa badbaadin kara oo kal iya nasib cirka uga yimaada iyo garsor aya asha maxkamadda oo isku wada raa ca caddaalad darro ka dhan ah Sooma aliya.

HUB FARA BADAN IYO LACAGO LAGU QABTAY ISMAAMULKA SOOMAALIDA DALKA ITOOBIYA

Saraakiil ka tirsan ismaamulka Sooma alida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub fara badan iyo lac ago sharci darro oo ay gacanta ku soo dhi geen ciidamada Booliska ee ismaamulka asi. Hubka iyo lacagtani ayey ciidama du ku soo qabteen howlagllo todobaadya dii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaa no ka tirsan ismaamulka Somalida Itobi ya

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee dowlad deegaanka Zakariye Cabdi Kha liif ayaa hubka ay soo qabteen tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka mid yihiin 20 qoryaha Ma chinegunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPGga oo tiro badan.

Sidoo kale lacagta ayuu sheegay inay ka badan tahay $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah.

Zakariye ma shaacin in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi, balse wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan baari taanadooda. Arrintan ayaa ku soo aade ysa, xilli dhawaan afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaar ada. Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi bishii hore ayaa waxaa lagu dilay taliyihii Ciid amada Itoobiya iyo Madaxweynihii maam ulka Amxaarada Dr. Ambachew Mekon nen. Dowladda federaalka Itoobiya iyo ma amullada hoostaga ayaa waxaa tan iyo markaasi kadib ay ku dhaqaaqeen howlg allo lagu soo qabtay hub, kuwaas oo laga sameeyey gobollada Oromada,

Amxaara da iyo Cafarta ee dalkaasi.

BIIXI OO SOO BANDHIGAY HAL ARRIN OO SUURTAGALINAYSA IN DOORASHOOYINKU QABSO OMAAN

biixi-2 Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bii xi Cabdi ay aa ka hadlay arrimaha doo ra shooyin ka, isagoona shaac iyey si day waq tige eda ugu qa bsoomi karto doorasha da Somaliland oo waqti kooban ka hadhay qabs oomideeda.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xisbiyadu ay ka tanaasulan waqti xaa di rkan go’aankooda ku aadana in la kordh iyo Guddiga doorashooyinka, taasi oo ku tilmaamay mid suurtogelinaysa inay waq tigeeda ku qabsoomto doorashadu.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaysan macquul aheyn in xiligan wax ka badal lagu sameeyo Guddi ga doorashooyinka, wuxuuna yiri

"Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bi sha Augost (Siddeedaad) tobankeeda had dii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhig ayaa in loo gudbiyo guurtida, Habeen horena wa xa aynnu joognaa 20kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kor dhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo”.

Wuxuuna intaas ku sii daray "Waxan lee yahay laba hala kordhiyo oo imika sharc igeedii hala bilaabo macquul ma ahee sha rcigu sida uu yahay hadda aynnu ku gal no, markay aynnu doorashada Baarlama anka dhammaynonna aynnu kordhinno lab ada”.

WASHINGTON POST OO QORAY SABABTA IMAARAADKA CARABTA UGA GOOSANAYO SACUUDIGA {FAALLO}

Faallo qoraha sare ee wargeyska Wa shington Post, David Ignatius ayaa sheeg ay in daaraha dhaadheer ee Imaaraadka Carabta ay ku baabi’i doonaan dagaal kas ta oo Iran lagu qaado.

Dubai iyo Abu Dhabi waxay noqon do onaan bartilmamaeedka koowaad ee dag aal kasta oo dhexmara Iran iyo Marey kanka. Tani waxaa garowsaday hoggaami yayaasha Imaaraadka Carabta oo dhow aan go’aansaday inay ka goostaan Sacu udiga, islamarkaana inta badan ciidamad ooda kala baxaan dagaalka Yemen.

"Sabtidii tagtay Iran waxay Marinka Hormuz ku qabsatay Markab yar oo saliida qaada, hase yeeshee wax falcelin balla aran ah lagama sameyn. Halka Imaaraad ka ay ka aamuseen, Mareykanka ayaa si doo kale si kooban uga hadlay” ayuu ku yiri David Ignatius faalladii uu ku qoray Washington Post.

Imaaraada Carabta, ayuu ku yiri qoraal ka, waxay ogyihiin in daaraha dhaadheer ee quruxda badan ay noqon doonaan bart ilmaameedyada gantaallaha Iran, kuwaas oo bilicda Dubai iyo Abu Dhabi u rogi doo naan dambas.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ay aa hadda isku dayaya in la xakameeyo xii sadda Iran, taasi oo qeyb ka ah in ciidama dooda kala baxaan Yemen kadib dagaal burbur badan oo qaatay afar sano oo lala galay maleeshiyada Iran ay taageerto ee Xuutiyiinta.

Kabixitaanka ciidamada Imaaraadka Carabta ee Yemen ayaa sidoo kale tusme yneysa in isbahaysiga Sacuudiga iyo Ima araadka uu burburayo, taasi oo macana heedu yahay in maskaxdii dagaalka Yem en oo ah dhaxalsugaha Sacuudiga Maxa med Bin Salamn uu hadda kali ku yahay mashaqada Yemen.

FARMAAJO OO QAABILAY WAFDI UU HOGGAA MINAYO MADAXWEYNIHII HORE EE KOONFUR AFRIKA

farmaajo oo qaabilay Thabo mbeki Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa Madaxt ooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku sal eysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqa ale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaar inta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dala lka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cad meed.

Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdig iisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Do wladda Federaalka Soomaaliyeed soo dha weynta diirran iyo martiqaadka wanaag san ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wa do dalka, kobaca dhaqaalaha iyo hor umar ka dhanka siyaasadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wada agay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qa danayso Dowladda Federaalka Soomaal iya ee ku aaddan xo ojinta amniga, kobcin ta iskaashiga dhaq aale iyo xal u helista caqabadaha siyaas adeed ee dalalka Geeska Afrika.

Booqashada wafdigan ayaa qaadaney sa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xe eldheerayaasha Soomaaliyeed ee arri maha amniga iyo siyaasadda.

Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mud ane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaa simaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qa ramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Md. James Swan iyo Lataliyeyaasha Mad axweynaha.

DOWLADDA MAREYKANKA OO ISBEDDEL KU SAMEYSAY HOGGAANKA AFRICOM

Dowladda Mareykanka ayaa isebdal ku sameysay hoggaanka howlgalkeeda Afr ica ee loo yaqaano AFRICOM.

War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in taliyaha cusub ee hoggaankaasi loo magacaabay Stephen Townsend.

Taliyahan ayaa bedalaya Thomas Wal dhauser oo la sheegay inuu howlgab noq day, islamarkaana uu gabi ahaan ka far iisinayo shaqada.

Thomas Waldhauser ayaa muddo dhe er soo hayey xilkan, wuxuuna horay uga soo shaqeeyay qeybo kala duwan, isaga oo Milatariga ku jiray 43 sano.

Sidoo kale Stephen Townsend ayaa noqonaya taliyihii shanaad ee soo mara howlgalka Maryenka ee Africa.

Townsend ayaa hadda laga soo wareejiy ey dhinaca tababarada ciidamada Marey kanka, isaga oo tan March 2018kii ahaa madaxa tababarada.

Warkan ayaa lagu shaaciyey in munaa sabadda xil wareejinta ay dhaci doonto 26 bishan, islamarkaana lagu qaban doono dalka Jarmalka.

AFRICOM ayaa dusha kala socota how lgallada Mareykanka uu ka fuliyo dalalka qaaradda Africa.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka uu Mareykanka ka fuliyo howlgallada dhanka cirka ah, kaas oo weeraro la beegsada AlShabaab, waxaana sidoo kale ka joogo ciidamo ka badan 500 oo Askari, kuwaas oo taageero ciidamada dowladda federaal ka Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY WAKIILKA QM & SAFIIRKA BRITAIN

jems iswim iyo farmajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Maxamed Cabdu llaahi Farmaajo ay aa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaal iya James Swan iyo Danjiraha Boqortooy ada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u le edahay Dow ladda Federaalka Soomaal iya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qo rshaha deyn cafinta Soom aaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021ka iyo baa hinta adeegyada aasaasiga ah ee bulsh ada.

Dhankooda Wakiilka Qaramada Mido obey ee Soomaaliya Danjiraha Boqortooy ada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa waxaa ay balan qaadeen inay siweyn ula Shaq eyn doonaan dowladda So omaaliya,isla markaana ay taageero siin doonaan.

Shalay ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxaa uu la kulmay wafdi ka so cda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweyni hii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.

XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA PUNTLAND OO GUDBIYAY MOOSHIN XILKA QAADIS AH

MOOSHN MAXKAMADDA PUNTLNAD LAGA KEENAY Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Mooshin xilka qaadis ka gudbiyay xubnaha ka tirsan Max kamadda Sare ee Puntland,ka dib markii loo jeediyay Eedeymo kala duwan.

Xidhibaannada Baarlamaanka Puntla nd ayaa xubnaha Maxkamadda ku Eedee yay xil gudasho la’aan iyo Caddaaladdar ro,iyagoona arrimahaas ay u geysteen Bul shada reer Puntland oo ay u qabtaan ade egyada kala duwan ee dhanka Garsoorka.

Sidoo kale xubnaha ka tirsan Maxkam adda Sare ayaa waxaa loo jeediyay inay ku kaceen fal Musuqmaasuq ah,waxaana Xildhibaannada ay dalbadeen in xilka qaa dis lagu sameeyo.

War ka soo baxay Xildhibaannada Baa rlamaanka dowlad Goboleedka Puntland oo ay Mooshinka xilka qaadista ah ku dalb adeen ayaa u qornaa sidan:

50 SANO AYAA KA SOO WAREEGATAY MARKII UGU HOREEYSEY EE DAYAXA LA TAGO

50 SANO OO KA SOO WAREEGTAY MARKII DAYAX LA TAGAY Konton sano ka hor, maalin Sabti ah, cir bixiyeennada Mareykanka ah ee Neil Arm strong iyo Buzz Aldrin ayaa noqdey bini’aa damkii ugu horreeyay ee cagta saara daya xa, dhacdo Tvyada ay ka daawanayeen ku dhawaad nus bilyan oo qof.

Kooxdan oo loogu magac darray "Gor gor”, ayaa caga dhigtay dayaxa July 20, 1969.Hay’adda cir bixiyeennada iyo ha wada ee NASA dadaal ugu jirtey isbuucyo dhan sidii loo xusi lahaa maalintan.

Waxa la qorsheyay dhacdooyin iyo ba ndhigyo lagu weynaanayo maalinta, kuwa as oo ka dhici doonta xarrumaha Kennedy Space Center ee Cape Canaveral, Florida iyo Johnson Space Center in Houston, Texas.

DHAQ DHAQAAQYO CIIDAN OO SAAKAY KA SOCDA DEEGAANO KA TIRSAN GOBOLKA GEDO

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo,halkaas oo shalay Gelinkii dambe ay madaafiic isku weydaarsadeen Ciidamada Dowladda & AlShabaab.

AlShabaab ayaa weerar madaafiic ah waxa ay ku qaadeen Saldhigyo ay Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Garbahaareey,waxaana la sheegay in madaafiicdaas ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Carruur,kuwaas oo dhaawacooda loo qaaday degmada Balad Xaawo.

Wariyeyaal ku sugan degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegeen in saakay ay Ciidamada Dowlada wadaan dhaq dhaqaaqyo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka tirsanaa Ururka AlShabaab ee weerarka ku soo qaaday degmada Garbahaareey.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mararka qaar duleedka degmada Garbahaareey laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidamada Dowladda,kuwaas oo howlgallo halkaasi ka wada,hayeeshee aan weli la shaacin waxyaabaha ay kusoo qabteen howlgalka ay wadaan.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen in qorshahoodu uu yahay sidii ay AlShabaab uga saari lahaayeen tuulooyinka hoostaga Garbahaareey,wallow dhowr jeer hadaladaas ay sheegeen balse aysan dhaqan gelin.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa dhowr jeer saldhigyo ay Ciidamada Dowlada & kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin waxaa weerar kusoo qaaday Xubno ka tirsan ururka AlShabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda ay sheegeen inay iska difaacaan.

PUNTLAND OO KA JAWAABTAY DALABKII MADAXWEYNE FARMAAJO

Dowlad goboledka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay dalabkii uu u gudbiyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku saabsanaa in Puntland ay si shuruud la’aan ah kusii deyso Xubno ka tirsan Guddiga dhismaha Wadada Bartmaha Boosaaso oo dhawaan la xiray.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Max’uud Xasan Ow Cusmaan oo Warbaahinta la hadlay aya sheegay in xubnahaas ay ku xad gudbeen sharciga u degsan Puntland,isla markaana ay yihiin dad la tuhunsan yahay oo Maxkamad ay xirtay. Waxaa uu sheegay in cid kasta uu sharciga ka sareeyo,isla markaana aysan ka hadli Karin Madaxweyne ama Ra’iisul Wasaare,sidoo kalena siideyntooda ay Maxkamad Go’aan ka gaari doono,hayeeshee dadka ka hadlaya aysan ogeyn danta gaarka ah ay leeyihiin.

"Dadka xiran waa muwaadiniin la soo Eedeeyay Maxkamad ayaana la tiigsan doonaa,hadii dambi lagu waayana waa la siideyn doonaa,laakin cid ka hadli karto majirto horay ayaa dad loo xiri jiray dalkana sharci ayuu leeyahay cid soo faragelin kartana majirto ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip