Ciidamo Dhamaystay Hawlgalkii Ay Somalia U Joogeen Oo La Abaalmariyey

0
Saturday July 20, 2019 - 19:58:24 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Dhamaystay Hawlgalkii Ay Somalia U Joogeen Oo La Abaalmariyey

    Wakiilka Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu Abaalmarin Bilado ah guddoonsiiyey Ciiddan u dhashay Uganda, kuwaasi oo dhamaystay hawlgal ay muddo 12 bilood

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Khaaska ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira waxa uu Abaalmarin Bilado ah guddoonsiiyey Ciiddan u dhashay Uganda, kuwaasi oo dhamaystay hawlgal ay muddo 12 bilood ah u joogeen dalka Somalia. Ciiddankaasi oo ka tirsan Kooxda Dagaalka ee 25 (Battle Group 25) waxay ka hawl-galeen Degmooyinka Marka, Qoryooleey iyo deegaanadda Ceel-jaale, Buufow, Shalambood iyo Mashalaay iyodeegaano kale oo ka tirsan Maamul-Gobaleedka K/Galbeed Somalia. Ambassador Madeira oo ka hadlay Munaasabadda uu Billadaha ku guddoonsiinayey ciiddankaasi waxa u usheegay inay maareeyeen xaqiijinta Barnaamijka Hawlgalka AMISOM muddadii 12-kii bilood ee la soo dhaafay ee ay Ciiddankaasi ku guda-jireen Hawlgalkaasi Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddankaasi tageen Fariisimadda Hore ee Hawlgalka, si ay u soo celiyaan Deganaanshaha dadka ku nool Qeybta 1-aad ee Hawlgalka AMISOM. "AMISOM uma joogaan Somalia ujeedo kale oo aan ka ahayn inay taageeeo ka geystaan sidii Alshabaab looga saari lahaa Deegaanadda ay joogaan" ayuu hadalka u yiri Ergayga AU-da ee Somalia. Dhinaca kale, Ambassador Francisco Madeira waxa kale oo uu Ciiddanka Uganda ee dhamaystay Hawlgalkii ay u joogeen Somalia ku bogaadiyey inay taageeraan sidii ay ugu dhiiri-geliyeen Dib-u-heshiisiinta Mujtamaca ku nool Deegaanadda ay ka hawl-galaan iyo inay gacan ka geysteen sidii loo soo celin lahaa Kanaaladda ay ka baxaan Daadadka ee ku yaalla magaalladda Marka, waa sida uu hadalka u dhigay. Ku-xigeenka Taliyaha AMISOM ee dhinacyadda Hwalgalladda iyo Qorshaha, Jeneral James Lakara oo isagana ka hadlay Munaasabadda Abaalmarinta waxa uu Ciiddanka Uganda ee ka tirsan Kooxda Dagaalka ee 25 ku bogaadiyey sida ay u taageereen, uguna gudbiyeen Khibradooda Ciiddanka DFS ee SNA ee ka hawlgala Gobalka Sh/hoose. Taliyaha ciiddanka Uganda ee dhamasytay Hawlgalkii ay u joogeen Somalia, Kolonel Paul Muhanguzi waxa uu Hoggaanka AMISOM uga mahad celiyeen taageeradda iyo hagida ay u fududeeyeen muddaii ay ku jireen Hawlgalkooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip