Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Iyo Wafdi La Socda Oo Soo Gaaray Muqdisho

0
Saturday July 20, 2019 - 19:34:50 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Koonfur Afrika Iyo Wafdi La Socda Oo Soo Gaaray Muqdisho

    Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika,iyadoo siweyn loogu dhaweeyay gudaha Caasimadda Wafdiga. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki,waxaana Ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Guddi sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika,iyadoo siweyn loogu dhaweeyay gudaha Caasimadda Wafdiga. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki,waxaana Garoonka diyaaradaha Caalamiga aha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo xubno kale. Wafdiga ka socda Ururka Midowga Afrika ayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxaa lagu la filayaa in kulan ay la yeeshaan Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan. Weli si rasmi ah looga shaacin Ujeedka wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee South Africa Mudane Thabo Mbeki ee soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip