Mustafa Cagjar Oo Ka Qeyb Geli Doona Caleema-Saarka Dhigiisa Cusub Ee Is-Maamulka Amxaaradda

0
Saturday July 20, 2019 - 19:31:11 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustafa Cagjar Oo Ka Qeyb Geli Doona Caleema-Saarka Dhigiisa Cusub Ee Is-Maamulka Amxaaradda

    Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafa Maxamed Cumar "Cag-jar" ayaa waxay gaareen caasimadda Maamul-gobaleedka Amxaaradda ee Baxar Daar ee W/Galbeed ee dalkaasi. Wakalladda Wararka Amxaaradda eeAmhara Mass Mediia Agencyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafa Maxamed Cumar "Cag-jar" ayaa waxay gaareen caasimadda Maamul-gobaleedka Amxaaradda ee Baxar Daar ee W/Galbeed ee dalkaasi. Wakalladda Wararka Amxaaradda eeAmhara Mass Mediia Agencyayaa sheegtay in Wafdiga la socda Madaxweyne Cag-jar si diiran ay u soo dhaweeyeen Sarkaaiil sarsare oo ka tirsan Dowlad-gobaleedka Amxaaradda iyo xubno ka tirsan Bulshadda. Wakaalladda ayaa sheegtay inay Madaxweyne Mustafa la socdaan in ka badan 100 xubnood oo ay ka mid yihiin Odayaal, Hoggaamiye Diimeedyo iyo kuwa Dhaqanka iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaalida Ethiopia. Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia waxaa la filayaa inuu ka qeybgalo Munaasbad lagu caleema saarayo Madaxweynaha Cusub ee Ismaamulka Axmxaaradda,Temesgen Tiruneh, kaasi oo bedelay Madaxweynihii hore Maamulka Amxaaradda,Ambachew Mekonnen,oo lagu dilay Afgembigii Fashilamay ee bishii la soo dhaafay ee June 23-dii ka dhacay magaalladda Baxar Daar. Madaxweynaha cusub ee Amxaaradda ee la caleema-saaraya waxa uu haatan haya xilka La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Ra'isul-wasaare Abiy Ahmed. Sidoo kale, Madaxweynaha Is-maamulka Soomaalida Ethiopia waxa uu ka qeyb geli doonaaMunaasabad ay ku qalin jebinayaan Arday ka aflaxday JaamacaddaBahir Dar University.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip