Iraan Oo Gacanta Ku Dhigtay 2 Markab Oo Laga Leeyahay Britain

0
Saturday July 20, 2019 - 18:11:29 in Wararka by
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iraan Oo Gacanta Ku Dhigtay 2 Markab Oo Laga Leeyahay Britain

    Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa sheegay inay Iiraan gacanta ku dhigeen 2 Markab oo ay UK lala xiriirinayo, kuwaasi oo marayey Gacan-biyoodka HORMUZ oo u dhow Xeebaha Iiraan. Hadal-qoraal oo uu soo saaray Jeremy Hunt a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Jeremy Hunt ayaa sheegay inay Iiraan gacanta ku dhigeen 2 Markab oo ay UK lala xiriirinayo, kuwaasi oo marayey Gacan-biyoodka HORMUZ oo u dhow Xeebaha Iiraan. Hadal-qoraal oo uu soo saaray Jeremy Hunt ayuu ku sheegay in Markab Booyadle shidaal oo watay Calanka Britain iyo mid kale oo watay Calanka dalka Liberia, balse lala xiriirinayo dalkiisa shalay lagu qabsaday Gacanka Hormuuz. Waxa uu tilmaamay inay Xukuumadda Britain Kulan Degdeg ah ka yeelan doonaan xaqiiqda dhacdadaasi, isla markaana ay isku hawli doonaan in si degdeg ah loo sii daayo Maraakiibtaasi. Waxa uu intaasi ku daray inaan Safaaradda Britain ku leedahay magaalladda Tehran ay ku hawlan tahay arrinta labada Mrakab, wuxuuna sheegay inan la oggolaan Karin qafaalashadaasi. Markabka Booyadlaha ee Calanka Britain watay oo lagu magacaabo Stena Impero, waxaana la socday 23 Badmaaxiin oo aan u dhalanin dalka UK. Xiriirka Iiraan iyo dalalka Reer Galbeedka aya sii xumaaday, kadib, markii ay Dowladda Britain bishan July 4-dii ay Markab Booyadle laga lahaa dalka Iiraan ku xanibeen Xeebaha Jabal Daariq oo u dhow dalka Spain, iyagoo sheegay inuu Markabkaasi shidaal u waday dalka Syria. Dhinaca kale, ilaa 2 Markab Xamuul oo ay Iiraan leedahay ayaa ku xaniban dalka Brazil, kadib, markii Shirkadda Shidaalka Dowladda Brazil ee Petrobras sheegtay inaysan Maraakiibtaasi siin Karin shidaal ay ku dhaqaaqaan, maadaama uu Maraykanka cunaqabatayn ku soo rogay Iiraan. Labada Markab ee Iiraan ee ku xaniban meel ku dhow Dekedda magaalladda Imbituba ee Koonfurta Brazil waxaa lagu kala magacaabaa Bavand iyo Termeh.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip