XAFLAD LAGU MAAMUUSAYEY GU'JIRSIGA BAXNNAANO COMMUNITY CARE OO MUQDISHO LAGU QABTAY

0
Friday July 19, 2019 - 23:59:47 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAFLAD LAGU MAAMUUSAYEY GU'JIRSIGA BAXNNAANO COMMUNITY CARE OO MUQDISHO LAGU QABTAY

    Waxaa Maanta lagu Qabtay Hotel GuryoSamo ee Magaalada Muqdisho Xaflad aad u heer sareysa oo lagu Maamuusayey Xuska Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii dhidibbada loo taagay Baxnaano Community Care oo ay dhiseen dhalinyaro isku tagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Maanta lagu Qabtay Hotel GuryoSamo ee Magaalada Muqdisho Xaflad aad u heer sareysa oo lagu Maamuusayey Xuska Sannad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay markii dhidibbada loo taagay Baxnaano Community Care oo ay dhiseen dhalinyaro isku tagay Xafladaasi ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan Bulshada qeybaheeda kala duwan iyo marti shaf kale oo lagu casuumay oo isugu jiro Odayaasha Dhaqan, Siyaasiyiin, Aqoonyahanno Saraakiil , Abwaanno iyo Haweenba , waxaa ugu horeyn lagu daa hfur ay Aayadaha Qur'aanka Kariimka ah . Ugu horeyn hadalka ayaa waxaa daahfuray Agaasimaha Baxnnaano Community Care Md. Cabbaas C/Raxmaan Xuseen {C.Koolli} isagoo bogaadiyey ka soo qeyb galayaasha halkaasna waxqabad kooban ka soo jeediyey isagoo ku soo dhawyey gudimiyihii hore ee kmg ahaa ee lagu Aas Aasay Baxnnaano Community Care Md. Cabdi Qani Max amed Yabaroow isagoo ku dheeraday Aas-aaskii iyo heerarkii uu soo maray xiligii uu hogaanka hayey iyo heerka maanta rag kale hoggaanka u hayaan uu sheegay in wax badan ay qabteen oo uu BCC maanta tahay mid meel wanaaagsan joogto. Dhinaca kale wuxuu soo jeediyey in wax lala qabto BCC ayna tahay dadaalkooda mid mira dhal ah Dhinaca kale Aqoonyaho caafimaad iyo waxbarasho ayaa halkaa ku soo bandhigay muqaal iyo daruusyo la xiriira xaruumaha ay ka howlgalayeen dadkii ay shaqada u abuureen iyagoo sheegay in isbitaal iyo dugsiyadaba ay ka hirgeliyeen deegaanka war sheekh maanta in wax laga qabto u baahan dhinaca Mushaaraadka Shaqaalaha iyo Waliba Qeybo yar oo Qalab ah, kuwaasoo ku kacaya qarash Gaaban oo dadka deegaanka iska aruurin karaan iyagoo kaashana ganacsatadooda iyo waxgaradkoodaba ,baahiya ay maanta tabayaan halkaa ku soo badhigay Dhinaca kale guddoomiyaha Baxnnaano Community Care Md. Kaamil Cabdi Mocow ayaa isagana ka dhawaajiyey in heerkasta ay soo gaareenba ay maanta tahay guushii waxqbad haatanna muuqdo isagoo intaa raaciyey inaysan dooneyn in ay hadafkooda ka laabtaan, waxuun sheegay inay u duubteen inay gaarsiiyaan wax qabashadooda deegaannada dalka oo dhan ka dibana inta ay gacan ka geysan karaan ka si wadayno maadaama aanu nahay indhihii bul shadeyna deegaanadaas waa inay helaan nolol iyo Nabad iyo daryeel joogto ah ,waxana isku duubnida keenysaa in heer walba ummadda ka baahi baxdo waan haddii la iksu tashado oo wax loo quuro dalka iyo dadka ayuu yiri Md. Kaamil. Sidoo kale Nabdoonno ayaa hadlay kuna taageeray dhalliyradaas iyagoo halkaa erayo guubaabo ah ka soo jeediyey oo bogaadiyey waxqabadka Baxnaano Community Care Dhan kale Siyaasiyiyiinta ka hadashay Munaasabadaasi oo uu ka mid yahy Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Col. Axmed Xuseen Axmed {Shiidka} isagoo sheegay in waxyaabaha dhalliyrada ka dhimman ay dadaal dheer u galayaan ayna garab ku siin doonaan isagoo bogaadiyey waxqabadkooda walibana sheegay in kaalin muuqata maamulka degmada warsheekh ka istaagi doono sidii nabadgalyo looga shaqeeyo goobaha ay abuureen da'yartaa isagoona carrabka ku dhiftay in ay la kaashan doonaan maamulka hirshabeelle. Dhinaca kale Xildhibaan ka Tirsan Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa ku dhiiri geliyey dhalliyarada BCC inuu ka gacan siinaayo sidii dib looga bilaabilahaa howlaha adeegga deegaannada Baxnaano uheyso bulshada ,iyadoo loo ballan qaaday kaalinna ka geysan doonaan sidii looga baxi lahaa dhibaatada Cisbitaal iyo Dugsi la, aan ee ka jirta Deegaanadaas oo ayka howl gasho BCC iyo sidii Agabyada loo baahan yahay loo heli la haa. wuxuuna bushada loosoo jeediyay inay iska uruuriyo qidmoo yin wadartooda muhiim ay tahay in ay wax badan tarto, "waxyar oo la helo waxbadan ayey noqodaan, ka maamul ahaan waan idin garab taaganahay" ayey yirahdeen wax garadkii ka hadlay goobtaas . Sidoo Kale . Xafladasi ayaa dad badan ka hadleen iyadoo halkaa laga soo jeediyey tixo suugaan ah oo ay soo jeediyeen Fardowzo C/laahi iyo Safiyo Kulmiye oo ah xubno ka mid ah BCC xafladana waxaay ku soo dhmmaatay jawi deegan iyo is bogaadin iyadoo lagudoon siiyay hey'adahii iyo shaaqsiyaadkii gacanta kulahaa jiritaanka halka sano ee jirtay BCC laguna qiimeynaye dadaalkooda wax qabad. W/D: Rahmo Mohamed DHeere (Lajecleey)










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip