Saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay

0
Friday July 19, 2019 - 23:45:50 in Wararka by
  • Visits: 237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo duqeyn lagu dilay

    Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ku duqeyn ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaanka Kuunyo Baroow. Dad ku sugan deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeyntan lagu bartil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ku duqeyn ku dileen saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab deegaanka Kuunyo Baroow. Dad ku sugan deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeyntan lagu bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen saraakiishan. Wararku waxaa ay sheegayaan in goobta ay ku dhinteen Afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB kana howlgala gobolka Shabeellaha hoose. Lama sheegin khasaare ka soo gaaaray duqeynta diyaaradaha dagaalka dadka rayidka ah eek u dhaqan goobta lagu bartilmaameedsaday gaari ay la socdeen xubnaha ka tirsan Ururka Al-shabaab. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Maraykanka oo hore duqeyntan uga fulin jirtey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip