Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne Mustafe Cagjar oo gaaray Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada

0
Friday July 19, 2019 - 23:44:09 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxwayne Mustafe Cagjar oo gaaray Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada

    Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta gaadhay Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada, Wafdiga Madaxwaynaha ayaa isugu jiray Odayaal dhaqameed, Ugaasyo iyo Wasiiro heer degaan ah.Haddaba Wafdiga Madaxwayna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa maanta gaadhay Magaalada Bahirdhaar ee Degaanka Axmaarada, Wafdiga Madaxwaynaha ayaa isugu jiray Odayaal dhaqameed, Ugaasyo iyo Wasiiro heer degaan ah.Haddaba Wafdiga Madaxwaynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Bahirdhaar, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha martida loo yahay ee Degaanka Axmaarada, iyadoo shacabka Axmaaraduna ay caleemo qoyan ku soo dhaweeyeen Wafdiga Madaxwayne Mustafe Cagjar. Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Bahirdhaar waxaa uu ka qayb qaadan doonaa Xafladda qalin jabinta ardayda Jaamacadda Bahirdhaar. sidoo kale waxaa wafdiga Madaxwayne Mustafe Cagjar ka qayb qaadan doonaan kulan dhex maraya Soomaalida iyo Axmaarada, kulankaas oo ah sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Soomaalida iyo Axmaarada.
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip