Boqorka Sacuudiga Oo Xajka Ku Marti-Gelinaya Qoysaska Muslimiintii Lagu Laayay New Zealand

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:52:20 in Wararka by
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqorka Sacuudiga Oo Xajka Ku Marti-Gelinaya Qoysaska Muslimiintii Lagu Laayay New Zealand

    Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu shalay amar ku bixiyey marti-gelinta ilaa 200 oo qof oo ka mid ah Qoysaskii ay ka shahiideen 51-kii Marxuum ee bishii Maarso 15-dii ee sannadkan lagu xasuuqay Masaajid ku taalla magaalladda Christchurch

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud waxa uu shalay amar ku bixiyey marti-gelinta ilaa 200 oo qof oo ka mid ah Qoysaskii ay ka shahiideen 51-kii Marxuum ee bishii Maarso 15-dii ee sannadkan lagu xasuuqay Masaajid ku taalla magaalladda Christchurch ee dalkaasi. Wasiirka Arrimaha Islaamka Sacuudiga, ahna Kormeeraha Guud ee Barnaamijkaasi, Sheekh C/ladiif Al-sheekh ayaa sheegay in Tallaabadaasi qeyb ka tahay dadaalka ay Sacuudiga ugu jiraan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda. Dhinaca kale, Boqorka dalka Sacuudiga waxa uu amray in 1,000 qof oo Reer Falastiin ah iyagana loo fududeeyo inay soo xajiyaan sannadkan, iyadoo uu Boqorka bixinayo dhamaan Kharajka Xujeydaasi uu casuumay.Wuxuuna xusay in Wasaaradiisa iyo Safaaradda Sacuudiga ee ku taalla dalka New Zealand ka wada shaqeyn doonaan dhamaystirka sidii dadkaasi loogu fududeyn lahaa inay gutaan Waajibaadkooda Xajka ee sannadkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip