Muwaadin Soomaali Oo Ku Xirnaa Mareykanka Oo Dib Ula Midoobay Qoyskiisa

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:41:56 in Wararka by
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali Oo Ku Xirnaa Mareykanka Oo Dib Ula Midoobay Qoyskiisa

    C/qaadir Maxamed oo muddo 20 bilood ah ku xirnaa Xarun dadka lagu hayo oo ku taalla Maraykanka ayaa la sii daayey, isagoo dib ula midoobay Xaaskiisa oo haysata Dhalashadda Maraykanka iyo carruurtiisa oo ku nool Gobalka Ohio ee dalkaasi. Mar uu Suxuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/qaadir Maxamed oo muddo 20 bilood ah ku xirnaa Xarun dadka lagu hayo oo ku taalla Maraykanka ayaa la sii daayey, isagoo dib ula midoobay Xaaskiisa oo haysata Dhalashadda Maraykanka iyo carruurtiisa oo ku nool Gobalka Ohio ee dalkaasi. Mar uu Suxufiyiinta la hadlay markii laga soo daayey Xabsiga waxa uu sheegay inuu dareemayo sidii qof ay nolosha mar kale ku soo laabatay oo kale. Waxa uu markii ugu horreysay isagoo xor ah la kulmay Xaaskiisa, Malyuun Maxamed oo aysan is-arkin ku-dhawaad 2-sanno. C/qaadir Maxamed oo Fiisaha dalkaasi helay bishii June 29-dii ee sannadkii 2017-kii waxa la xiray, isla markii uu ka soo degay GaroonkaJohn F. Kenedyee magaalladda New York, xilli uu sii raaci lahaa Diyaarad ku sii jeeday GobalkaOhiooo ay Xaaskiisa deggan tahay. Qareenadiisa waxay sheegeen in si sharci-darro loo xiray, kadib, markii lala yeeshay Xog-wareysi socday muddo 15-saacadood, isagoo aan haysanin Turjumaan, Is-faham la'aan isaga iyo Saraakiishii Waaxda Xuduudaha dalkaasi ee baaritanaka ku hayey, iyadoo laga bixiyey Aragti qaldan. Qareenadda C/qaadir Maxamed waxay ka hadleen xaalladii uu ku sugnaa muddadii uu xirnaa, waxayna sheegeen inuu muddo 8 bilood lla xanuunsanaa xanuunka Feeraha ku dhaca ee Qaaxadda ama TB-da, isla markaana uu muddo 10-maalmood ku jiray Isbitaalkii lagu daaweynayey. "Waxaan dareemayaa inay wax xun ahaayeen wixii igu dhacay, waayo, Aniga wax qalad ah ma samaynin, waxaana Maraykanka ku imid si sharci ah, balse, waxaan aad ugu mahad celinayaa kuwii taageeradda ii fidiyey" ayuu yiri C/qaadir Maxamed oo bilowgii Isbuucan xaaskiisa kula midoobay magaalladda Elizabeth ee Gobalka Ohio ee dalkaasi. Waxa uu markii ugu horreysay indhaha ka qaaday labadiisa carruur oo lagu kala magacaabo Suheyla oo 2-jir ah iyo Suhayba oo hal sanno jir. Xaaskiisa, Malyuun Maxamed oo 26-jir ah, haysatana dhalashadda Maraykanka waxay ka shaqeysaa Wershad, waxayna dib u bilaabi doontaa W/barashadda, si ay u hesho Shaahadada Caafimaadka iyo Nabadda Ilkaha(Dental Hygiene). Si kastaba ha ahaatee, Lammaanahaasi oo nolol cusub dib u bilaabaya Maraykanka ayaa la sheegay inay isku soo guursadeen dalka Koonfurta Afrika bishii June ee sannadkii 20116-kii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip