SAWIRO: Diplomaasiyiin Turkish Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Dalka Ciraaq

0
Wednesday July 17, 2019 - 18:35:16 in Wararka by
  • Visits: 354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Diplomaasiyiin Turkish Ah Oo Lagu Dilay Waqooyiga Dalka Ciraaq

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkish-ka waxay galabta xaqiijisay in 3 Muwaadin oo Turkish lagu dilay Baar ay ka cunteynayeen oo ku yaalla magaalladda Irbil ee Maamul-gobaleedka Kurdistaan ee Waqooyiga dalka Iraq. Wasaaraddu waxay sheegtay in Ku-xig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkish-ka waxay galabta xaqiijisay in 3 Muwaadin oo Turkish lagu dilay Baar ay ka cunteynayeen oo ku yaalla magaalladda Irbil ee Maamul-gobaleedka Kurdistaan ee Waqooyiga dalka Iraq. Wasaaraddu waxay sheegtay in Ku-xigeenkii Qunuslka Guud ee Turkiga u joogay magaalladda Irbil ka mid ahaa dadkii lagu dilay Toogashadda ka dhacday Baarka lagu weeraray. Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa Turkiga ayaa qoray inay Dabley aan la aqoonin tacshiirad ku fureen halka ay Diplomaasiyiinta Turkish-ka ku qadeynayeen. Ilo-wareed ayaa sheegayo in mid ka mid ah Dableydii weerarka geysatay la dilay, halka ay Ciiddanka Maamul-gobaleedka Kurdistaanka ku raad-joogaan 2 kale oo ka mid ahaa Maleeshiyadda geysatay weerarka, kuwaasi oo baxsaday. Hay'addaha Ammaanka ee Maamulkaasi waxay sheegeen inay dib u eegayaan Kameerooyinka Qarsoon ee ku rakiban gudaha iyo bannaanka Baarka uu weerarku ka dhacay iyo Waddooyinka ku hareeraysan.

Ciiddamo fara badan ayaa la soo dhoobay goobta uu dilku ka dhacay, waxayna Ciiddanka baarayaan Gaadiidka, Goobaha Gnaacsiga iyo Xaafadaha ku dhow goobta lagu dilay Muwaadiniinta Turkishka.

Waxaa kaloo la xiray deegaanka ku dhow Garoonka Diyaaradaha Irbil ee u dhexeysa deegaanadda Irbil’s Dream City and Empire neighborhoods, halkaasi oo ka mid ahayd meelaha ugu ammaanka badan magaalladda Irbil

  




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip