Sawirro:-Shirka Amniga Muqdisho Oo Looga Hadlay Arrimo Kala Duwan

0
Sunday June 30, 2019 - 11:38:45 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Shirka Amniga Muqdisho Oo Looga Hadlay Arrimo Kala Duwan

    Waxaa xalay Qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir lagu qabtay Shir looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xalay Qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir lagu qabtay Shir looga hadlayay amniga Magaalada Muqdisho. Shirka ayaa waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,isla markaana waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka,Taliyaha Ciidamada Booliska,Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya iyo Taliyeyaal kale oo ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya. Sidoo kale Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta amniga Caasimadda ee Muqdisho iyo arrimaha la xiriira kormeerka Ciidamada ay ka sameeyaan,howlgalada iyo Islaxisaabtanka.

 
Intii uu socday Shirka amniga ayaa waxaa looga hadlay fal isugu jira Dil iyo Kufsi oo dhawaan Marxuumad Suleeqo Yuusuf Axmed oo heystay shan Caruur ah loogu geystay Hotel Caamir oo ku yaalla Xaafadda Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir iyo soo qabasha Nin lagu eedeeyay dilkaas oo lagu magacaabo Bishaar C/Risaaq Maxamed.

"Shirka Amniga Caasimada Muqdisho ayaan uga hadalnay dardargelinta kormeerka, howlgalada iyo Islaxisaabtan ka. Eedeysane Bishaar C/Risaaq Maxamed ayaa maanta la soo qabtay iyadoo loo heysto gabar ku dhimatay hotel Caamir ee Baar Ubax. Shacabka ayaa soo gudbiyey gurigii uu ku dhuumanayey. Guusha shacabka”ayuu yiri Duqa Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip