Hoggaan cusub oo loo doortay Ururka Isutaga Suxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ (Sawirro)

0
Sunday June 30, 2019 - 10:15:30 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaan cusub oo loo doortay Ururka Isutaga Suxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ (Sawirro)

    Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay doorashada guud ee Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo Saddexdii sanaba mar la qabto iyadoo la dooranayo Xoghayaha Guud ee Ururka, Gudoomiye, iyo Gudoomiye ku xigeen. Waxaa doorashada oo aheyd mid xiiso le

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay doorashada guud ee Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo Saddexdii sanaba mar la qabto iyadoo la dooranayo Xoghayaha Guud ee Ururka, Gudoomiye, iyo Gudoomiye ku xigeen. Waxaa doorashada oo aheyd mid xiiso leh islamarkana ay u tartamayeen musharixiin kala duwan ka soo qeyb galay mas'uuliyiin ka socotay dowladda Soomaaliya,madaxa warbaahinada dalka iyo waliba Wariyeyaal ka kala socday goballada dalka

Gudoomiyaha Ururka FESOJ ee loo soo gaabiyo Federation of Somali Journalists waxaa loo doortay Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo la tartamayay Gudoomiyiyii hore ee ee Ururka Maahir Jaamac Aadan.

Xoghaya Guud ee Ururka Isutaga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ waxaa loo doortay Maxamed Ibraahim Macalimow, waxaana la tartamaya Aamiin Yuusuf Khasaaro oo tanaasulay ka hor intaan la guda gali codeynta Xoghayaha Ururka, sidoo kale gudoomiye ku xigeen Muxudiin Xasan Maxamed Xusni, waxaana Gudoomiye ku xigeenka Labaad loo doortay Cabdifitaax Xasan Faarax.

Doorashada oo aheyd mid xor iyo xalaal waxaa ka soo qeyb galay sharci yaqaano ka socda garsoorka dalka kuwaa oo si dhaw ula shaqeynayay Guddiga Doorashada, waxaana doorashada ay u dhacday hab cod qarsoodi ah.

Xoghayaha FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow oo ka hadlay dib u doorashadiisa ayaa waxa uu ka sheekeyay halka ay ururka ka soo qaadeen markii hore iyo heerka uu hadda taagan yahay waxaana uu Ballan qaaday inuu meel sare gaarsiin doono, iyadoo uu xusay in caqabado ka heestay dhanka magaca NUSOJ laga gudbay hadda, waxaana uu aad ugu mahadceliyay wariyeyasha dalka oo taageero weyn u muujiyay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Ururka Abaadir Cabdiqaadir Cilmi oo isna dhankiisa khudbad ka jeediyay munaasabadda doorashada waxaana uu tilmaamay in ururka uu noqon doono mid wax qabadleh oo hurumar dhan walba leh gaarsiiya guud ahaan warbaahinta dalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip