Eedeysanayaal Qirtay Inay Qarxin Lahaayeen Xaruun Islaam Oo Ku Taalla Mareykanka

0
Saturday June 29, 2019 - 23:08:23 in Wararka by
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eedeysanayaal Qirtay Inay Qarxin Lahaayeen Xaruun Islaam Oo Ku Taalla Mareykanka

    Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalladda New York ee dalkaasi. Eedeysanayaasha oo shalay la soo taagay Maxkamadda waxay qirteen inay geysteen Dembiyo Argagixiso o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saddex nin ayaa lagu soo eedeeyey inay qorsheynayeen inay bam ku qarxiyaan Xarunta Mujtamaca Islaamka oo ku taalla magaalladda New York ee dalkaasi. Eedeysanayaasha oo shalay la soo taagay Maxkamadda waxay qirteen inay geysteen Dembiyo Argagixiso o oay ku doonayeen inay ku qarxiyaan Xaruunta Islaamka ee Islamberg oo 250-KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda New Yorrk.

Eedeysanayaasha oo lagu kala magacaabo Vincent Vetromile oo 20-jir ah, Andrew Crysel oo 19-jir ah iyo Brian Colaneri oo 20-jir ah waxaa la xiray bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii uu Arday ku soo wargeliyey Boliska qorshaha ay raggaasi damacsan yihiin.

Baaritaan ay Boliska sameeyeen waxay ku soo heleen 23 bistoolad iyo tiro qaraxyada nooca lagu farsameeyo Guryaha oo ay Eedeysnayaaasha u adeegsan lahaayeen weerar ay ku qaadaan Xaruunta Islaamiga eee Islamberg.

Dhinaca kale, Eedeysanayaasha waxaa la filayaa in xukunkooda lagu dhawaaqo bisha Augsut 8-da, iyago omuteysan doona Xabsi u dhexeeya 4 sanno, 7-sanno iyo 12-sanno.

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip