Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Shir Uga Qeyb Galay Botswana

0
Saturday June 29, 2019 - 23:05:12 in Wararka by
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Shir Uga Qeyb Galay Botswana

    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka warbixiyey shir ku saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana. Taliyaha ayaa sheegay in shirkan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka warbixiyey shir ku saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana. Taliyaha ayaa sheegay in shirkan oo ay kasoo qeyb galeen inta badan dalalka Afrika lagaga arrinsaday sidii la isaga kaashan lahaa dhanka tayeynta iyo tabbarrada Ciidanka Lugta ee dalalka Qaaradda Afrika iyo in ay awood buuxda u yeeshaan xasilinta iyo amniga.

Taliyaha Ciidanka ayaa tilmaamay in dalalka Afrika ee ka qeyb galay shirka ay ka wada hadleen mideynta dadaallada lagu cirib tirayo argagixisada kasoo horjeedda horumarka Gobolka.

"Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip