Gacan-Ku-Dhiigle British Oo Horey U Dilay Muwaadin Soomaali Ah, Maydkiisana Qariyey Oo La Xukumay

0
Saturday June 29, 2019 - 22:53:45 in Wararka by
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gacan-Ku-Dhiigle British Oo Horey U Dilay Muwaadin Soomaali Ah, Maydkiisana Qariyey Oo La Xukumay

    Gacan-ku-dhiigle Gary Hapkins oo horey u dilay Marxum Cabdi Cali, isla markaana maydkiisa qariyey muddo 8 bilood ah ayaa la soo tagaay Maxkamadda Old Baily ee ku taalla magaalladda London. Eedeysnaha waxaa lagu xukumay Xabsi 22 sanno ah, kadib, mark

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gacan-ku-dhiigle Gary Hapkins oo horey u dilay Marxum Cabdi Cali, isla markaana maydkiisa qariyey muddo 8 bilood ah ayaa la soo tagaay Maxkamadda Old Baily ee ku taalla magaalladda London. Eedeysnaha waxaa lagu xukumay Xabsi 22 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu ka dambeeyey dilka Marxum la oran jirey Cabdi Cali oo 17-jir ah, kaasi oo lagu dilay magaalladda Enfield ee Waqooyiga London. Gacan-ku-dhiiglaha waxaa la sheegay inuu Marxumka burus madaxa kaga dhuftay, kadibna uu Tooreey kaga dooxay Wadnaha, ilaa uu Marxuumka ka geeriyooday.

 

Waxa kaloo la shegay inuu Marxuumka ka dhacay Lacag uu watay, ka hor inta uusan maydkiisa ku qarinin Saqafka sare ee gurigii uu degganaa muddo 8 bilood ah.

Qoyska Marxumka waxay ku wargeliyeen Boliska inay Wiilkooda ugu aragti danbaysay bishii December 21-dii ee sannadkii 2017-kii.

Boliska ayaa bilaabay baaritaan bishii August 27-dii ee sannadkii hore, kadib, markii loo soo far muuqay inuu mayd dhex yaallo dhismaha uu Gacan-ku-dhiiglaha deganaa.

Dhinaca kale, Maxkamadda Old Baily waxaa la soo taagay Haweeney lagu magacaabo Stacey Docherty oo saaxiib la ahayd Gacan-ku-dhiiglaha waxaa iyadana lagu xukumay 27-bilood, kadib, markii lagu helay inay wax ka ogeyd Marxumka la dilay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip