Gabar Soomaali Oo Ku Hafatay Webi Ku Yaalla Dalka Britain

0
Saturday June 29, 2019 - 22:31:32 in Wararka by
  • Visits: 370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabar Soomaali Oo Ku Hafatay Webi Ku Yaalla Dalka Britain

    Gabar lagu magacaabi jirey Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaalladda Bury ee Greater Manchester ee Gobalka England ee dalka Britain. Saraakiisha Boliska M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabar lagu magacaabi jirey Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ah ayaa waxay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ku hafatay Webiga Inwelli oo ku yaalla magaalladda Bury ee Greater Manchester ee Gobalka England ee dalka Britain. Saraakiisha Boliska Manchester weyn ayaa loo yeeray markii ay gabadha ku hafatay Webiga, iyadoo Kooxaha Quusayaasha ka soo heleen maydkeeda.
Gabadhaasi oo arday ahayd ayaa la rumeysan yahay inay iyada iyo hooyadeeda dalka Britain tageen bil ka hor, sida ay qaar ka mid ah Qaraabadeeda u sheegeen Wargeyska The Manchester Evening News

Marxuumadda Adeerkeeda oo lagu magacaabo Mustafa Omar waxa uu u sheegay Wargeyska The Manchester Evening News  inaysan gabadha aqoonin qaabka loo dabaasho, wuxuuna xusay inay Hooyadeeda ka argagaxday geerida gabadheeda yar.

Waxa uu intaasi ku daray inay ahayd gabar fiican oo Qaxooti ahaan u timid dalka Britain, isla markaana ay ku cusbayd Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool Britain.

Dhinaca kale, Maama Zamzam Tuure oo iyadoo la ilmeynaysa la hadashay isla Wargeyskaasi waxay sheegtay inay gabadheeda ahayd qof cajiib ah, deggan oo rajo wacan lahayd,isla markaana ay wada tebi doonaan iyada iyo  Walaalaheeda

Geerida Shukri Yaxye Cabdi, waxa uu ku soo beegmay saacado kadib, markii 2 nin oo da’dooda kala ahayd 25-jir iyo 26-jir maydkooda laga soo saaray Xeebta magaalladda Devon oo ah magaalladda 4-aad ee ugu weyn Gobalka England ee dalka Britain.

Xilligan oo ay dalka Britain iyo dalal kale ee Europe ka jirto Kulayl daran ayaa waxay dadka inta badan ku dabaashaan Webiyadda, Harrooyinka  iyo Badda, iyagoo  qabow ka raadsanaya, iyadoo  heer-kulku Britain gaaray  ugu yaraan 30 digirii oo Sentigareedh ama 80 digirii oo Ferenhayt ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip