Sawirro:-Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Deni Iyo Safiirka Hindiya Ee Somalia?

0
Saturday June 29, 2019 - 22:25:08 in Wararka by
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Deni Iyo Safiirka Hindiya Ee Somalia?

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra. Kulanka oo ahaa mid muhiimad, gaar ah leh ayaa looga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra. Kulanka oo ahaa mid muhiimad, gaar ah leh ayaa looga hadlay, xoogana lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada Madaxweyne Deni ayaa ugu horayn ka warbixiyey kulankaasi. "Waxaan maanta magaalada Garoowe noogu yimid Safiirka dalka Hindiya iyo wafti uu hogaaminayo, waxaan aad ugu mahadcelinaynaa booqashadaan oo ahayd tii ugu horaysay oo uu noogu yimaado safiir ka socda dalka Hindiya, waxaan kaloo aad ugu mahadcelinaynaa dalka Hindiya oo xiriir wanaagsan la leh dalkeena Soomaaliya, gaar ahaan Puntland ee dhinacyada ganacsi, waxbarasho iyo caafimaad intab"

Safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Mr. Ambassador Rahul Chabbra ayaa dhankiisa ka mahadnaqay qaabilaadda wanaagsan ee lagu soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, wuxuu xusay inay diyaar u yihiin dardargelinta wadashaqaynta wanaagsan ee ka dhexaysa Puntland iyo Hindiya ee arrimaha caafimaadka iyo waxbarasha."Puntland dad badan oo Hindiya ayaa ku nool, dhankeenana dad badan baa naga jira, kuwo waxbarasho, Caafimaad iyo Ganacsi u aaday intaba , waxaan aad uga wada-hadalnay in la wanaajiyo xiriirka Hindiya iyo Soomaaliya gaar ahaan Puntland dhanka Caafimaadka iyo Waxbarashada, iyo sidii Puntland ay uga helilahayd qoondo ku filan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip