"Shirkan waxaan isku aragnay Taliyeyaasha iyo Saraakiisha dalalka ciidamadoodu ay Soomaaliya ku garab siinayaan amniga iyo dagaalka aynu kula jirno agagixisada Alshabaab, kuwaas oo dhammaantood si wada jir ah u bogaadiyey hawlgallada geesinimada ah ee Ciidankeennu ay ku xoreynayaan dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed.”
Dhanka kale, Taliye Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa kulan gaar ah la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika Sarreeye Guud Roger Cloutier. iyagoona ka wada hadalay xaaladda amni ee Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta dhanka hubka oo caqabad weyn ku ah hawlaha dib u dhiska Ciidankeenna, taas oo uu Jenaarlku ballan qaaday in uu kaalintiisa ka qaadan doono.
Taliyaha CXDS oo Botswana kaga qeyb galay shirka Ciidanka Qaaradda Afrika
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa ka warbixiyey shirk u saabsan ciidamada Afrika oo uu kaga qeyb galay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Gaborino ee dalka Botswana. Taliyaha ayaa sheegay in shirkan o