siyaasi aflagaadaysay madaxweynaha Turkiga oo maxkamad la soo taagay

0
Saturday June 29, 2019 - 11:11:07 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    siyaasi aflagaadaysay madaxweynaha Turkiga oo maxkamad la soo taagay

    Kanan Kavtangioglu oo ah Haweenay siyaasiyad ah oo caan ah ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Istanbul ee dalka turkiga ayadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay aflagaadaysay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Haweenaydaan ayaa madax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kanan Kavtangioglu oo ah Haweenay siyaasiyad ah oo caan ah ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Istanbul ee dalka turkiga ayadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay aflagaadaysay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Haweenaydaan ayaa madax ka ah laan ka tirsan xisbiga calmaaniga ah ee Republican People's Party, ayaa lagu waddaa in ay mudan doonto 17 sano oo xabsi ah haddii dambigaas lagu helo.

Ms Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadaynayaa qoraallo ay ku soo qortay barteeda twitter-ka oo ay qaarkod qoratay lix sano ka hor.

Ms Kavtangioglu, ayaa ku eedaysan in ay "aflagaadaysay” madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda Turkigaba, oo ay faafisay dacaayado argagixiso.

Wararka ayaa sheegaya in hadalladaas loo haysto ay la xiriiraan dibadbaxyadii xukuumadda looga soo horjeeday ee dhacay sannadkii 2013 laguna taageerayey xisbiga "la mamnuucay” ee PKK.

Ikram Emamoglu, oo dhawaan ku guulaystay xilka maayarka magaalada Istanbul, oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loo soo jeediyey Ms Kavtangioglu, ku tilmaamay kuwo "Sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip