SAWIRO: Ciidanka Puntland oo burburiyay Saldhigyo Al-Shabaab leeyihiin

0
Saturday June 29, 2019 - 11:08:10 in Wararka by
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO: Ciidanka Puntland oo burburiyay Saldhigyo Al-Shabaab leeyihiin

    Ciidanka sida gaarka u tababaran ee maamulka Puntland ee lagu Magacaabo PSF, ayaa sheegay hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari in ay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab. War kasoo baxay Ciidanka Puntlan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka sida gaarka u tababaran ee maamulka Puntland ee lagu Magacaabo PSF, ayaa sheegay hawlgal ay ka fuliyeen buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari in ay ku burburiyeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab. War kasoo baxay Ciidanka Puntland ayaa lagu xusay in hawlgalka uu ka dhacay degaannada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel-qaraar oo dhammaantood ka tirsan buuraleyda Calmadow. Howlgalka ayaa sidoo kale lagu gubay godad ay Al-shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka, islamarkaana looga burburiyay saldhigyo ciidan. "Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow"ayaa lagu yiri Warka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip