SAWIRO:-RW ku-xigeenka Dalka oo booqday Xarumo ku yaalla Shiinaha

0
Friday June 28, 2019 - 19:10:25 in Wararka by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-RW ku-xigeenka Dalka oo booqday Xarumo ku yaalla Shiinaha

    Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa booqasho ku tegay xarumaha sedax shirkadood oo laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa booqasho ku tegay xarumaha sedax shirkadood oo laba kamid ah ay ka shaqeeyaan soo saarista qalabka culus ee dhismaha iyo shirkad soo saarta gawaarida. Kadib ka qayb galkii carwada Gobalka Hunnan ee Shiinaha lagu qabtay shalay ee dalalku kusoo bandhigayeen waxyaabaha ay u iib geyn karaan dunida kale, ayaa shirkadaha Sany, SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd iyo China Railway Construction Heavy Industry Co Ltd, waxa ay Ra'iisul Wasaar ku-xigeenka ku casuumeen in uu booqdo xarumahooda si ay uu u arko waxyaabaha ay soo saaraan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la tusiyay dhammaan waxyaabaha ay soo saaraan shirkadaha ay booqdeen, waxa ayna maamullada shirkaduhu u sheegeen Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka in ay ku hamminayaan in qalabka ay soo saaraan loo iib keeno dalka Soomaaliya.

Shirkadda SAIC Volkswagen Automotive Co., Ltd waxa ay kamid tahay shirkadaha sameeya gaadiidka ee laga leehay dalka Shiinna, Shirkadda China Railway Construction Heavy Industry Co. Ltd. ayaa iyana soo saarta mashiinnada dhismaha halka shirkadda Sany Heavy Industry Co., Ltd. ay soo saarto qalabka culus.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip