SAWIRO:-Wasiir Sabriye oo la kulmay Odayaasha & Waxgaradka Cadaado

0
Friday June 28, 2019 - 19:06:43 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wasiir Sabriye oo la kulmay Odayaasha & Waxgaradka Cadaado

    Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Magalada Cadaado ayaa Maanta kulan gaar ah waxaa uu la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaas. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Arrimaha Galmudug iyo d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo ku sugan Magalada Cadaado ayaa Maanta kulan gaar ah waxaa uu la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaas. Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Arrimaha Galmudug iyo doorka ay ku leeyihiin Odayaasha Dhaqanka Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyo sidii ay u dhici laheyd doorasho ay u dhan yihiin dadka reer Galmudug.

Odayaasha iyo waxgaradka degmada Cadaado ayaa Wasiirka u gudbiyay si la mid ah in Cadaado ay tahay xarunta Baarlamaanka Galmudug,isla markaana looga baahan yahay dowladda Federaalka inay taasi ogaato, iyada oo xaqiijineysa Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga dhigay Xarunta Baarlamaanka.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Odayaasha Dhaqanka uga mahadceliyay kulanka mira-dhalka ah ee uu la qaatay,waxaana uu u sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan marnaba hortaagneyn in Magalada Cadaado ay noqoto Xrunta Baarlamaanka Galmudug.

Magalada Cadaado ayaa waxaa haatan ku sugan inta badan Madaxda Dowlada Federaalka oo isugu jira Madax iyo mucaarad,waxaana dowladda Soomaaliya ay isku-dayeysaa in xal laga gaaro arrimaha ka taagan deegaanada Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip