Dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug oo heshiis kala saxiixday

0
Friday June 28, 2019 - 19:01:21 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug oo heshiis kala saxiixday

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa wada hadallo mira dhal ah ku yeeshay magaalada Cadaado maalintii Khamiista ee ay taariikhdu ku beegnayd 27ka Juun, 2018. Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo la xiriira arrimaha dib u heshiisiinta, doorashooyinka Galmudug iyo sidii loo dhammeyn lahaa kala aragti duwaanshaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Falanqeyn iyo wadatashi dheer keddib waxaa la isla meel dhigay qodobadan hoos ku xusan:

  1. Madaxdu waxay si wadajir ah u bogaadiyeen soo dhaweyntii diirranayd ee 26kii Juun, 2019 loogu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre magaalada Cadaado.
  2. Madaxweyne Xaaf iyo Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay isla garteen in la dajiyo geeddi socodka iyo hannaanka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug mideysan.
  3. In Dowlad Goboleedka Galmudug ay qaadato kaalinteed kaga aadan arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
  4. Si ay u noqoto caasimad loo dhan yahay oo leh maqaamkeeda waa in hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Galmudug ay si buuxda uga hawl galaan magaalada Dhuusamareeb.
  5. In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo celiso kabistii miisaaniyadeed ee Galmudug si loo dar dar galiyo arrimaha amniga iyo adeegyada kala duwan ee bulshada Galmudug.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip