wuxuu sheegay Taliyuhu in Baabuur nooca gaashaaman ah oo ay lahaayeen uu jiiray Marxuumiinta, laakiin nasiib wanaag ay daba socotay Mooto kale oo ay la socdeen xubno ka tisan Ciidamada Qaranka, taas oo fududeysay in shilkaasi laga helo xog badan oo ku filan Dadka Soomaaliyeed ehelada dhibbanayaasha.Taliyaha ayaa Allaha u naxariistee Saddexda muwaaddin Magacyadooda ku kala sheegay, Alifle C/shakuur Bootaan Cabdille,oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta C/qaadir Xuseen Cali, oo ka tirsanaa CXDS iyo wadihii Mootada oo lagu Magacaabi jiray, Daxmar Jeylaani Abuukar Cabdi.

Taliyaha ayaa sheegay sababta ku kalliftay Ciidanka AMISOM in ay ka cararaan goobta uu shilku ka dhacay in ay ahayd baqdin ay ka qabeen in ay waxyeello kaga timmaaddo Dad ka careysan dhacdadaasi.

Taliyaha qeybta nabad gelyada Waddooyinka ee Soomaaliya, Janaraal; Madaale, ayaa sheegay Ciidanka AMISOM ay qaateen mas’uuliyadda shilkan, isla maraana ay u hoggaansamayaan sharciga.

Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ku war geliyay in ay Dowladdu ku howlan tahay sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen dhibbanayaasha iyo Eheladoodaba, isla markaana ay u hagar bixi doonto, isagoo ugu dambeyn tacsi u diray Dadkii ay sida gaarka ah uga baxeen Saddexda marxuum.