Is-Qarxin Ka Dhacday Bartamaha Caasimadda Dalka Tunisia

0
Friday June 28, 2019 - 16:20:26 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is-Qarxin Ka Dhacday Bartamaha Caasimadda Dalka Tunisia

    Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta isku dhinac qarxiyey Gaari ay lahaayeen Boliska oo taagnaa shaaraca ug uweyn ee Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Tunis. Boliska dalakasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka AF

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu duhurnimadii maanta isku dhinac qarxiyey Gaari ay lahaayeen Boliska oo taagnaa shaaraca ug uweyn ee Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Tunis. Boliska dalakasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxay sheegeen inay dhowr Askari ku dhaawacmeen Is-qarxintaasi.

 
Saxafi ka tirsan Wakaalladda AFP oo tegay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay qeybo ka mid ah hilibka dadka lagu arkayey agagaarka gaariga qaraxa lala beegsaday, kaasi oo taagnaa Waddada Burqiiba ee u dhow qeybta gabowday ee magaalladda Tunis.

Wakaalladda Wararka REUTERS waxay ka soo xigatay Goobjoogayaal inuu qaraxu ka dhacay Wadadda Charles de Gaulle oo aan ka fogeyn Dhismaha Safaaradda Faraniiska ee magaalladda Tunis.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi waxay sheegtay inay 2 Sarkaal iyo 3 qof oo rayid ah ku dhaawacmeen Is-qarxintaasi.

Dayanka qaraxa oo aad u xoog badnaa ayaa la sheegay in laga maqlay xaafadaha ku hareeraysan halka uu qaraxu ka dhacay.

Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda Is-qarxintaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip