Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada

0
Friday June 28, 2019 - 16:17:05 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno hoos yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isago

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno hoos yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, iyadoo madaxweynuhu uu ku tilmaamay dagaal beeleedyada soo noq noqday kuwa taageero siinaya Al Shabaab oo dadkeena u diidan Nabadda.

"Colaado ay qaabkoodu leeyihiin muuqaal qabiileed balse aysan siyaasadi ka marnayn ayaa ku soo laalaabtay Hirshabeelle, waxaana ku baaqayaa inay odayaasha, Culumo’udiinka iyo siyaasiyiinta Hirshabeelle kasoo jeeda inay u istaagaan joojinta colaadahaas,” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku baaqay in xabbada la joojiyo, wixii dhinacyadu ay isku hayaanna si nabad ah lagu dhameeyo, maadaama wax kaa maqan aan lagu helin xabbad, dhinac walbana loo keeno dhinaca kale lana yiraahdo waxaas ayuu walaalkaa kaa tabanayaa ee ka raalli-geli ayaa hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Waare.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-ShabeelleMaxamed Cabdi Waare ayaa xusay inay soo arkeen dhibaatada ay colaaddu leedahay, balse loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo nabadda, waxaana leennahay waa in laga shaqeeyo nabadda…nabadda..nabadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip