UK: Dad U Geeriyooday Cuddur Lagu Kala Qaado Dhunkashadda, Hindhista Iyo Taabashadda

0
Friday June 28, 2019 - 15:58:00 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK: Dad U Geeriyooday Cuddur Lagu Kala Qaado Dhunkashadda, Hindhista Iyo Taabashadda

    12 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurkaasi ugu geeriyoodeen GobalkaEssexoo W/barti kaga toosan caasimadda dalka Britain ee London. Cuddurkaasi oo ah nooc Bakteeriya oo naadir ku ah Caalamka ayaa waxa u si baahsan uga dillaacay Gobalkaasi, sida ay ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

12 qof ayaa la xaqiijiyey inay cuddurkaasi ugu geeriyoodeen GobalkaEssexoo W/barti kaga toosan caasimadda dalka Britain ee London. Cuddurkaasi oo ah nooc Bakteeriya oo naadir ku ah Caalamka ayaa waxa u si baahsan uga dillaacay Gobalkaasi, sida ay maalmihii la soo dhaafay hadal hayeen Warbaahinta dalkaasi. Waxaa la soo weriyey ilaa 32 Kiis oo ka mid ah Cuddurkaasi oo magacisia loo soo gaabiyoIGASsida ay sheegeen Kooxda Guddiga ee Rug ay leedahay Hay'adda Caafimaadka dalkaasi ee NHS.

Bakteeriyadda dhalisa cuddurkaasi ayaa la sheegay in laga heli karo cunaha iyo maqaarka, isla markaana ay dadku qaadi karaan iyagoo aan ogeyn, maadaama uusan cuddurkaasi lahayn wax calaamado muuqda oo degdeg ah.

Bakteeriyadda waxay awoodi kartaa inay cunaha iyo gacmaha ku noolaadaan muddo dheer oo ku filan, si ay si fudud dadka ugu kala gudbaan Dhunkashada, Hindhista iyo Taabashadda.

Inkastoo cuddurkaasi lagu tilmaamay shil gudaha, balse, waxaa laga digay khatarta sare ee uu ku si faafi karo.



Waxaa la sheegay inuu cuddurkan markii ugu horreysay ka dillaacay magaalladdaBraintreeee GobalkaEssex,ka hor inta uusan ku faafin magaallooyinka kale ee ChelmsfordiyoMaldonee isla Gobalkaasi ee dalka Britain.


Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ee England (PHE) waxay ka digeen inay jiri karo geeri kale oo dheeraad ah, iyadoo uu cuddurkaasi si xawli ah u faafayo.

Dadka ugu badan ee uu ku dhacay Cuddurkaasi ayaa la sheegay inay yihiin dadka da’da iyo kuwa ka shaqeeya Xarumaha lagu xannaaneeyo dadka Hawlgabka ama da’da noqda.

Dr.Jorg Hoffmanoo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Ammaanka Caafimaadka ee XaruntaPHE Eastee England waxa uu sheegay inay xaalladu aad iyo aad khatar u tahay, isla markaana ays nasiib-darro tahay inaysan weli awoodin inay si buuxda u xakameeyaan xaalladda faafista cuddurkaasi.

Dhakhaatiirta Gobalka uu ka dillaacay cuddurkaasi waxay sheegeen in dadka ay acelcelis ahaan da’dooda tahay 87-jir ay waxyeelladdu ka soo gaartay cuddurkaasi lagu kala qaado Dhunkashada, Taabashadda iyo Hindhista.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip