Soomaaliya iyo Shiinaha oo iska kaashanaya horumarinta dhaqaalaha labada dal

0
Thursday June 27, 2019 - 12:57:48 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Shiinaha oo iska kaashanaya horumarinta dhaqaalaha labada dal

    Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhanka dhaqaale ee labada dal u dhexeeya. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo dhiggiisa dalka Shiinaha ayaa ka wada hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhanka dhaqaale ee labada dal u dhexeeya. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo dhiggiisa dalka Shiinaha ayaa ka wada hadlay sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.

Labada masuul ayaa isku afgartay in si wadajir ah loo sameeyo guddi dhaqaale oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda labada dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddiga dhaqaale waxaa ku metelaya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Aasiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa maalinta berri ah gobalka Hunnan ee dalka Shiinaha uga qayb gelaya munaasabadda daah-furka dhoofinta ganacsiga iyo dhaqaalaha ee ka dhexeysa Shiinaha iyo Afrika iyo madasha iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha Shiinaha iyo Afrika.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip