Guddigii doorashoyinka Puntland oo Maanta sirasmi ah isku casilay

0
Thursday June 27, 2019 - 12:30:48 in Wararka by
  • Visits: 355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddigii doorashoyinka Puntland oo Maanta sirasmi ah isku casilay

    Waxaa gebi ahaanba Maanta ku dhawaaqay inay is-wada casileen Xubnaha guddiga doorashooyinka ku meel gaark ah ee Puntland,kadib kulan ay Maanta ku yeesheen Magalada Garoowe. Shir jaraa'id oo Warbaahinta ay u qabteen is casilaadooda kadib ayay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa gebi ahaanba Maanta ku dhawaaqay inay is-wada casileen Xubnaha guddiga doorashooyinka ku meel gaark ah ee Puntland,kadib kulan ay Maanta ku yeesheen Magalada Garoowe. Shir jaraa'id oo Warbaahinta ay u qabteen is casilaadooda kadib ayay ku sheegeen sababaha ay isku casileen duruufo gaar ah oo la soo darsay,isla markaana qaarkood ay horay u qaateen go'aanka is casilaada ah.

Xubnaha Guddiga guddiga doorashooyinka ku meel gaark ah ee Puntland ee Maanats dia rasmiga ah ugu dhawaaqay is casilaada ayaa maalma ka hor waxaa ay shir la yeesheen Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyaga oo u gudbiyay cabashada ay qabaan ee keeneysa inay is casilaan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in uu soo Magacaabo 5 -ta xubnood ee u horreysa guddiga cusub, halka 4-ta kale ay soo magacaabi doonaan golaha wakiilada Maamulkaasi Puntland.,waxaana dhamaantooda Guddiga ay noqonayaan 9 Xubnood.

Guddiga Cusub ee la soo Magacaabi doono ayaa sii wadi doona , geeddi-socodka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, iyada oo xukuumadda Cuusb ee Puntland ay horay u sheegtay in la dardar gelin doono si looga gudbo nidaamka qabaa’ilka oo Puntland wax ku qeybsato.

Hoos Ka Akhriso Is casilaada ah ee guddiga Doorashooyinka Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip