Lix ruux oo loo heysto afgambi oo Maxkamad lasoo taagay

0
Wednesday June 26, 2019 - 18:31:47 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lix ruux oo loo heysto afgambi oo Maxkamad lasoo taagay

    Lix ruux ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyagoo loo haysto falal argagixisanimo oo la xiriira iskudaygii xilka looga tuurayay dawlad goboleedka Amxaarada Waa dadkii u horreeyay ee maxkamad ka soo muuqd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lix ruux ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa iyagoo loo haysto falal argagixisanimo oo la xiriira iskudaygii xilka looga tuurayay dawlad goboleedka Amxaarada Waa dadkii u horreeyay ee maxkamad ka soo muuqda tan iyo markii ay rabshaduhu dhaceen Sabtidii, arrintaas oo horseeday geerida taliyihii guud ee milatariga Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen iyo afar masuul oo kale.

Sarreeye Guuto Asaminew Tsige oo lagu eedeeyay in uu maleegay isku daygii afgambiga ayaa isna la dilay.

Xaakimka ayaa amray in eedaysaneyaasha maxkamad lagu sii hayo. Wuxuuna booliiska siiyay 28 maalmood si uu ula yimaaddo caddaymo dheeri ah.

Saddex ka mid ah dadka la xukumay ayaa xubno ka ah koox lagu magacaabo Baladera Council ama guddiga ku meelgaarka ah ee Addis Ababa, kuwaas oo ah koox siyaasadeed oo sheegtay in ay u ol’olayso muwaadiniinta dagan caasimadda.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip