Wafdi ka socda Puntland oo kusii jeedda Jabuuti

0
Wednesday June 26, 2019 - 18:25:40 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Puntland oo kusii jeedda Jabuuti

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano iyo masuuliyiin kale ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay kaga qayb gelayaan maalinta Xornimada Wadankaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti uu hoggaaminayo oo isugu jira Wasiiro, Xildhibano iyo masuuliyiin kale ayaa u ambabaxay Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo ay kaga qayb gelayaan maalinta Xornimada Wadankaasi uu ka qaatay gumaystihii Faransiiska ee 27, Juun, 1977. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo faahfaahiyey muhiimadda isaga iyo weftigiisa ayaa xusay in dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ay ka heleen casumaad rasmi ah oo ku aadan ka qayb galka xuska maalindooda xuriyadda.

Safarka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ugu ambaboxo dalka dibaddiisa tan iyo intii la doortay 08 Janaayo 2019. Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Jabuuti waxa ay kulamo kala duwan la qaadan-doonaan madaxda dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip