SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo ka qeyb galay Shir Caalami ah

0
Wednesday June 26, 2019 - 12:33:01 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo ka qeyb galay Shir Caalami ah

    Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO. Ajandaha ugu weyn ee kula

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid oo howlo shaqo u jooga dalka Talyaaniga ayaa halkaasi kaga qaybgalay kalfadhiga 41-aad ee Ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada iyo Beeraha ee FAO. Ajandaha ugu weyn ee kulanka uu ka qeyb galay Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid wuxuu ahaa doorashada Agaasiimaha Guud ee FAO, waxaana loo doortay Dr.Un DJOU oo u dhashay dalka Shiinaha. Soomaaliya waxay si buuxda uga qaybgashay dhammaan howlaha shirka, Wasiirka oo uu wehliyo Safiirka

Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Ambassador Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ahna Wakiilka Soomaliya ee Hayadaha FAO ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Hey’adda IFAD, Wasiiro kala duwan iyo Agaasiimaha Guud ee la doortay waxeyna kala hadleen sidii loo horumarin lahaa Beeraha loona kordhin lahaa wax soo saarka dalka, Wasiir Ciid ayaana kulan qaasa oo uu la yeeshay  madaxa Hey’adda  (IFAD) Gilbert F. Houngbo  wuxuu kala hadlay sidii IFAD ay dib ugu bilaabi lahayd maalgalin toosa oo ku saabsan  horumarinta Beeraha Soomaaaiya, waxeyna labada dhinac isku afgarteen in si toosa loo bilaabo qorshe wada hadal oo arrintaasi ku  saabsan.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo xoojin lahaa wax soo saarka dalka loona heli lahaa Maalgashiyo dhinacyo kala duwan leh si uu dalkeenu u gaaro isku filnaansho dhameystiran.

    




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip