Qaban qaabo ka socota Cadaado & RW Kheyre oo ku wajahan

0
Wednesday June 26, 2019 - 12:25:16 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaban qaabo ka socota Cadaado & RW Kheyre oo ku wajahan

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga oo haatan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in gelinka dambe ee Maanta oo Arbaco ah ay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Wafdiga oo haatan ku sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Wasiiro,waxaana ay qeyb ka noqon doona wafdi kale oo ka tirsan Dowladda,kuwaas oo ku sugan Magaalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan waxaa uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalin ka hor halkaasi tegay iyo Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaas,isaga oo kala hadli doona xal u helida caqabadaha siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul lagu mideysan yahay.

Magalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Xubno isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,kuwaas oo iyana ka qeyb qaadan doonaan xalinta arrinta Galmudug.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga dareemayaa Magalada,waxaana goobaha qaar lagu dhejiyay Sawirada Ra’iisul Wasaaraha iyo Calanka Soomaaliya,iyada oo Amniga Magaalada Cadaado aad loo adkeeyay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip