Wafdi horudhac ah oo gaaray Cadaado & Kheyre oo ku wajahan

0
Wednesday June 26, 2019 - 12:17:02 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi horudhac ah oo gaaray Cadaado & Kheyre oo ku wajahan

    Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa goordhow gaaray wafi horudhac u ah Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayo in uu Galabta safar dhinaca dhulka ah ku tago Magalada Cadaado. Wafdiga oo isugu jira,Xildhibaano ka tirsan labada Go

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa goordhow gaaray wafi horudhac u ah Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la filayo in uu Galabta safar dhinaca dhulka ah ku tago Magalada Cadaado. Wafdiga oo isugu jira,Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka,Wasiiro iyo mas'uuliyiin kale ayaa safar dhinaca dhulka ah waxaa ay uga soo ambabaxeen Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo soo maray deegaanka Godinlabe oo u dhaxeeya Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan waxaa uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maalin ka hor halkaasi tegay iyo Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladaas,isaga oo kala hadli doona xal u helida caqabadaha siyaasadeed ee ka jirta Galmudug iyo sidii loo dhisi lahaa maamul lagu mideysan yahay.

Ammaanka Magalada Cadaado ayaa Maanta aad loo adkeeyy,waxaana safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tegi doono ay kusoo aadeyso xilli Magaaladaas oo sanad iyo bilooyin kadib uu ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip