Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho yimid

0
Tuesday June 25, 2019 - 19:26:24 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo Muqdisho yimid

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid James Swan oo ah ergayga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Diblomaasigan oo ah rugcaddaa ku xeel dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta magaalada Muqdisho yimid James Swan oo ah ergayga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Diblomaasigan oo ah rugcaddaa ku xeel dheer arrimaha Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseya saxaraha ayaa xilkan loo magacaabay 30kii May 2019. Howshii ugu horeysay ee uu Soomaaliya ka qabtay waxay ahayd 25 sano ka-hor markas oo uu ahaa sarkaal qaabilsan arrimaha siyaasadda oo ka tirsanaa xafiiska ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya sanadihii 1994kii ilaa 1996kii. Waqtiyadii u dambeeyay, Swan ayaa ahaa Ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.

Wuxuu sidoo kale soo noqday wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya 2011kii ilaa 2013kii.

Wuxuu soo dhameystay xirfadiisii shaqo ee uu ka hayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo uu ka ahaa Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Koongo, isagoo xilkaas hayay laga billaabo 2013kii ilaa 2016kii.

Danjirahan ayaa badalaya danjire Haysom oo billowgii sanadka dowladda Soomaaliya dalka ka eriday.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip