Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay

0
Tuesday June 25, 2019 - 11:42:37 in Wararka by
  • Visits: 247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisada u dhaxeysa dalalka Mareykanka iyo Iiraan oo xoogeysatay

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah, isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Trump ayaa saxiixay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii shalay ku soo rogay Iraan wuxuu ugu yeeray cunaqabateynno cusub oo dhinaca dhaqaalaha ah, isagoo si gaar ah ula beegsaday hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Trump ayaa saxiixay wareegto madaxweyne oo uu ku sheegay inuu ku hor istaagayo Tehran iyo Khamenei galaangal kasta oo ay u yeelan karaan suuqyada maaliyadda ee caalamka.

Xoghayaha Maaliyadda iyo Lacagta ee Mareykanka Steven Manuchin ayaa sheegay in talaabadan inay fariisin doonto balaayiin dollar oo hantida Iran ah.

Madaxweyne Trump ayaa talaabadan ku tilmaamay mid "adag oo u dhiganta jawaabta Mareykanka” ee dayuuraddii Drone ee Iran ay Mareykanka ka soo riday todobaadkii tagay.

Dronetaas oo nooca wax ishaafalateeya ah ayuu Mareykanku sheegay inay duuleysay hawada caalamiga ah markii ay Iran soo rideysay meel ku dhow gacanka Hurmuz ee Khaliijka Carabta. Laakiin Iran ayaa ku doodeysa inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip