Dowladda oo beenisay in shir Nairobi kula yeelaneyso Wakiilo ka socda Somaliland

0
Tuesday June 25, 2019 - 11:35:50 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo beenisay in shir Nairobi kula yeelaneyso Wakiilo ka socda Somaliland

    Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa jiray warar sheegayay in Wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ay shir ku yeelanayaan Magalada Nairobi,hayeeshee waxaa warkasi beenisay Madaxtooyada Soomaaliya. Agaasimaha Madaxtooyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxa jiray warar sheegayay in Wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ay shir ku yeelanayaan Magalada Nairobi,hayeeshee waxaa warkasi beenisay Madaxtooyada Soomaaliya. Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ku sheegay in gebi ahaanba uusan jirin shir Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xubno ka tirsan Soomaaliland kula yeelaneyso Magalada Nairobi.

Hayeeshee uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay inay la hadasho Soomaaliland,balse ay u baahan tahay in la go’aamiyo waqtiga,goobta iyo Ajandaha laga hadli doono.

Marka laga soo tago hadalka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Soomaaliland dhankeda wakiil u hadlay waxa uu sheegay in kulankaasi uu ka dhacayo Nairobi,isla markaan ay ka qeyb galayaan Wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip