Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano Caawa Shir u socdo

0
Monday June 24, 2019 - 22:47:00 in Wararka by
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano Caawa Shir u socdo

    Wararka laga helayo deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi uu shir uga socdo Xildhibaanadii Maanta tegay Magalada Cadaado iyo Madaxweynaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya deega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Caawa halkaasi uu shir uga socdo Xildhibaanadii Maanta tegay Magalada Cadaado iyo Madaxweynaha Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa habeenkii labaad ku hoyanaya deegaanka godinlabe,waxaana kulanka labada dhinac ay uga wada hadlayaan xaalada kasoo cusboonaatay deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay kasoo tegay Magalada Dhuusamareeb oo mudo fariisin u ahayed, kadib markii ay is khilaafeen Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug.

Xildhibaanada deegaan doorashooda ay tahay ee Maanta tegay Cadaado ayaa waxaa ay kala yihiin,Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare, Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish.

Dhinaca kale Magalada Dhuusamareeb ee isla Gobolka Galgaduud waxaa Caawa ka socda kulan u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxdii Ahlusuuna ee ku biiray Maamulka Galmudug.

 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip