Sidee Ra'iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb?

0
Monday June 24, 2019 - 20:27:55 in Wararka by
  • Visits: 273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ra'iisul Wasaare Kheyre loogu soo dhaweeyey Dhuusamareeb?

    Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka, Madaxa Xukuumadda Galmudug, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug iyo dadweyne aad u fara badan.


Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo wafdiga la socda ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda Galmudug ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, isla markaan ah Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, kaasi oo looga hadi doono arrimo ay ka midyihiin Doorashada Galmudug oo la qorsheynayo inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa dhawaan soo soo saartay Warsaxaafadeed lagu caddeeyay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb 4-ta bisha July ee sanadkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip