Madaxwaynaha Soomaaliland oo xil ka qaadis iyo Magacaabis Sameeyey

0
Monday June 24, 2019 - 19:05:27 in Wararka by
  • Visits: 251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Soomaaliland oo xil ka qaadis iyo Magacaabis Sameeyey

    Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip