SAWIRO:-NISA oo soo bandhigtay Rag hubeysan oo la soo qabtay

0
Monday June 24, 2019 - 18:56:53 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-NISA oo soo bandhigtay Rag hubeysan oo la soo qabtay

    Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay soo bandhigeen rag hubeysan oo laga soo qabtay Xaafadaha degmada Baardheere,kuwaas oo saraakiishu sheegeen inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Raggaan oo gaaraya ilaa laba ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hay’adda Nabadsugida ee degmada Baardheere, iyaga oo wata Bambooyin iyo Bustoolado,isla markaana lagu soo qabtay intii uu howlgalka socday.

Saraakiisha Ciidamada Nabadsugida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in raggaan ahaayeen kuwa Shabaab u qaabilsan dilalka qorsheysan iyo bamba tuurista,isla markaana ay ku raadjoogeen.

Saraakiisha faah faahin intaasi ka dheer kama bixin howlgalka ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsanm degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip