Dagaal dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

0
Monday June 24, 2019 - 18:48:05 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal dhexmaray Ciidamada Jubbaland & Al-Shabaab

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamo ka tirsan Jubaland & Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kaas oo geystay khasaaro kala duwan. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidamo ka tirsan Jubaland & Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ku dhex maray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose kaas oo geystay khasaaro kala duwan. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Wirkoy oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baar-sanguuni iyo deegaanka Buula gaduud.

Dagaal mudo socday ayaa dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab balse aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegeen in mudo kooban ay la wareegeen bartaasi koontorool,kadibna ay dib uga baxeen,hayeeshee ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee aaga deegaanada Baar-sanguuni iyo Buula gaduud ee gobolka  Jubbada Hoose weli dhankooda kama hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Wirkoy ee Gobolkaasi Jubbada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip