Waxgaradka M/ Cadaado oo go'aan ka qaatay Imaanshaha Madaxweyne Xaaf

0
Monday June 24, 2019 - 18:45:12 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka M/ Cadaado oo go'aan ka qaatay Imaanshaha Madaxweyne Xaaf

    Kulan ay Maanta ku yeesheen Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magalada Cadaado ayaa waxaa ay kaga hadleen isbedelka ka dhacay Galmudug iyo imaanshaha Madaxweyne Xaaf ee Magalada Cadaado. Kulanka oo saacado ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ay Maanta ku yeesheen Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Magalada Cadaado ayaa waxaa ay kaga hadleen isbedelka ka dhacay Galmudug iyo imaanshaha Madaxweyne Xaaf ee Magalada Cadaado. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxa wararka la helayo ay sheegayaan in Odayaasha iyo waxgaradka Cadaado ay isku raaceen in Magalada lagu soo dhaweeyo Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan deegaanka Godinlabe.

Waxaa ay qaarkood sheegeen in Madaxweyne Xaaf uu la soo xiriiray si uu dib ugu soo laabto Magalada Cadaado oo in ka badan sanad uu ka maqnaa,isla markaana fariisin u aheyd  Magalada Dhuusamareeb ee isla gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Magalada Cadaado uga maqnaa khilaaf kala dhaxeeyay Dowladda Federaalka,hayeeshee ugu dambeyn markale uu dib ugu soo laabtay, kadib markii ay is khilaafeen Maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna balse ku biiray Maamulka Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip