Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa

0
Monday June 24, 2019 - 18:28:05 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa

    Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ka mid ah hawlaha horyaallay golaha.Kulanka waxaa yimid 151 mudane, waxaana sh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaannada Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay sharciga dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ka mid ah hawlaha horyaallay golaha.Kulanka waxaa yimid 151 mudane, waxaana sharciga ansixiyay 149 Xildhibaan . Hal mudane ayaa ka aamusay midna kalena wuu diidday kalsooni siinta xeerkan.
Intaan sharciga la ansixin dhowr xildhibaan   ayaa aragtiyo ka dhiibtay xeerka, qaarkood waxay sheegeen in aqalka sare aysan wax badan ka bedelin qodobada balse ay xoogga saareen siiqada xeerka.


Waxaa ay qaarkood sheegeen xildhibaannada in xeerkan uu u baahan yahay in wakhti la siiyo isla markaasna aan lagu deg degin ansixintiisa. "Dhamaan qodobbada waxbaa laga badalay marka yaynaan ku fududaan” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.

Xeerkan dhismaha guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa ah xeer hore u meel-maray oo ay goluhu dib u eegis ku samaynayeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip