Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

0
Monday June 24, 2019 - 10:47:48 in Wararka by
  • Visits: 282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Qodobada looga hadlayo kulanka Maanta ee Golaha Shacabka

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 24/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad. Ajandaha Kulanka Maanta aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah taariikhduna ku beegan tahay 24/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad. Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa, iyada oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ajandahaas siweyn ugu diyaar garoobeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana dhamaantood wada ilaaliyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka baaqsaday Kulan ay yeelan lahaayeen sabtidii la soo dhaafay kadib markii uu soo buussami waayay kooramkii uu ku furmi lahaa Kulanka,waxaana Xildhibaanada digniin u diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip