Dilal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

0
Monday June 24, 2019 - 10:34:34 in Wararka by
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

    Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in laba ruux oo la sheegay inay Shacab ahaayeen lagu dilay deegano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo maalmahaan xiisado dagaal ay ka jireen. Maleeshiyaad hubeysan ayaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in laba ruux oo la sheegay inay Shacab ahaayeen lagu dilay deegano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo maalmahaan xiisado dagaal ay ka jireen. Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in labada ruux oo ahaa xoolo Dhaqato inay ku dileen deegaanka Warar-dheere oo ku yaalla duleedka degmada Matabaan, iyaga oo intaasi kadib goobta ay ka baxsadeen.

Dad ku sugan deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in weli ay dareemayaan cabsi xoogan oo ku aadan in dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ay kusii bataan degaano horleh oo hoostaga degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Habeeno ka hor sidaan oo kale Maleeshiyaad hubeysan ayaa laba Ruux ku dilay meel u dhow deegaanka xalay uu dilka ka dhacay,waxana dilkaan uu kusoo aadayaa, iyada oo weli deegaankaas ay xiisad ka taagan tahay.

Warar shalay soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Wafdiga Dhuusamareeb ee wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay tageen deegaanada ay xiisada ka taagan si xal looga gaaro dagaal beeleedka deegaanadaas ka jira.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa deegaano hoostaga degmada Matabaan waxaa ka jiray dagaal beeloodyo iyo dilal aanooyin qabiil ah,waxaana guul dareysay wadahadallo dhowr jeer la doonayay in xal looga gaaro dagaaladaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip