SAWIRO:-Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday

0
Monday June 24, 2019 - 10:27:26 in Wararka by
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Wejiga Labaad ee dib-u-habaynta Ciidammada oo Billowday

    Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday. Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa billaaabay wejiga labaad ee dib-u-habaynta ciidamada xoogga dalka, kadib markii wejigii koowaad uu si guul ah kusoo dhammaaday. Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka

baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi "Indho qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda.

660




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip