Cristiano Ronaldo Oo Eedayn Wayn Kula Kulmay Xayasiintii Uu Usameeyay Shirkada Yuhuuda Laga Leeyahay Ee HOT Iyo Falcelinta Taageerayaasha Muslitiinta Ah Ee Ronaldo

0
Thursday February 11, 2016 - 20:02:19 in Sports News by
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cristiano Ronaldo Oo Eedayn Wayn Kula Kulmay Xayasiintii Uu Usameeyay Shirkada Yuhuuda Laga Leeyahay Ee HOT Iyo Falcelinta Taageerayaasha Muslitiinta Ah Ee Ronaldo

    Markasta aduunka ayaa ku kala qaybsamaya wax kasta oo ku lugleh Israel iyo Falastiin, waxaana markan eedayn badan la kulmay xidiga xulka qaranka Porutgal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kaas oo sidii aanu shalay idiin soo gudbinay ka qayb

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markasta aduunka ayaa ku kala qaybsamaya wax kasta oo ku lugleh Israel iyo Falastiin, waxaana markan eedayn badan la kulmay xidiga xulka qaranka Porutgal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kaas oo sidii aanu shalay idiin soo gudbinay ka qayb qaatay xayasiinta shirkada isgaadhsiinta Yuhuuda laga leeyahay ee HOT.

ronaldo-advert-israel-1455186590513

Cristiano Ronaldo ayaa linkiga muqaalka xayasiintan twitter ka kula wadaagay dadka tirada badan ee ku xidhan, laakiin Ronaldo ayaa arintan kala kulmay dareeno isku dhaf ah iyada oo dadka muslimiinta ah gaar ahaan dadka carbeed ay cadho wayn ka muujiyeen arintan uu Ronaldo kaga qayb qaatay shirkada uu xidhiidhka xayasiineed la leeyahay ee HOT.

Dadkii cadhada ka muujiyay arintan ayuu mid ka mid ahi soo qoray: "Sababtoo ah waxyaabaha noocan oo kale ah, waxaad ku waayaysaa dad badan oo taageeraysaha wadamada Carabta ah, falastiin xor ah, waxaa waajib kugu ah in aad ka dheeraatid taageerida Yuhuuda”.

Mid kale ayaa soo qoray: "WTF ISRAEL? Hadda halyaygaygu waa Messi waxaa tahay shit” Laakiin sidoo kale waxaa jiray jawaabo ka yimid dhinaca Israel basle arintan ayaa noqotay mid qaybsiay taageerayaasha Ronaldo ee barta twitterka kaga xidhan waxayna dhalisay muran badan.

Markii uu Ronaldo xayasiintan samaynayay ayuu qol labis ugu soo galayaa ciyaartoy ree Israel ah wuxuuna isdul taagayaa ciyaartoydan oo ka sheekaysanaya internetka iyo in xawaarihiisu dheeraynayo, wuxuuna Ronaldo waydiinayaa ‘miyuu aniga iga dheeraynayaa?’ Kadib Ronaldo ayaa mid ka mid ah ciyaartoydan ka qaadanaya maaliyad ay ku qoran tahay No.7 isaga oo u sheegaya in uu numarkiisa yahay laakiin Ronaldo ayaa ku celclinaya erayga Hebrew-ga ee ‘Neshama’ taas oo la micno ah nafta ama ruuxda. Haddii uu muuqaalkaasi ku dhaafay halkan ayaad ka daawan kartaa.

 

(6)

Dulqaadka
 
 
XIGASHO:-DULQAADKA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip